WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Mudanayaal Guurtida ka Tirsan oo Wacyigelinta doorashada iyo Nabadgleyada ah ka Fuliyay Gabilay PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Sunday, 13 June 2010
Hargeysa (WIJA)- Mudanayaal ka tirsan golaha Guurtida Somaliland, ayaa galabta olole wacyigelin nabadgelyada la xidhiidha ku tagay gobolka Gabilay, waxaanay magaalada Gabilay kula kulmeen maamulka gobolka, cuqaasha iyo wakiilada xisbiyada qaranka. Mudanayaashan oo kala ahaa Sh. Cumar Sh Axmed Furre, Md. Ibraahim Ciise Buux iyo Md. Axmed Daahir Jirde waxay dadweynaha ugu baaqeen in ay u soo baxaan oo ay doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhici doonta 26 ka bishan Juun. Xildhibaanadu waxay booliiska iyo shacbiga gobolka u soo jeediyeen in ay iska kaashadaan dhinaca nabadgelyada oo ay ciidamada ammaanka ku war geliyaan cidii ay ka shakiyaan. Mudanayaashaasi waxay sheegeen in ay shirgudoonka aqalka odayaasha ka sidaan farriin la xidhiidha in shacbigu ay codkooda si nabadgelyo ah u dhiibtaan, isla markaana laga wada shaqeeyo sidii loo dhawri lahaa midnimada iyo wada jirka bulshada Somaliland. Xildhibaanadu waxay dadka ku dardaareen in aan cid aan la garanayn guryahooda iyo gaadiidkooda ka kirayn. Xildhibaanadaasi waxa kale oo ay booqdeen degmooyinka Wajaale, Allay-badday iyo kala baydh ee gobolka Gabiley halkaasi oo ay sameeyeen olole wacyigelineed oo la xidhiidha nabadgelyada iyo u diyaar garowga doorashada madaxtinimadda.
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 2 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!