|
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Sheegay Inay Markaykanka U Gudbin Doonaan Koox Sheegatay In |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Sunday, 13 June 2010 |
|
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay koox sheegtay inay ka dambaysay dagaalo dhawaan ka dhacay Gobolka Buuhoodle isla markaana ku andacooda inay ka soo horjeedaan maamulka Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.
Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo daba socday hadal ka soo yeedhay madaxa kooxdaasi oo la yidhaahdo Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiyo) oo saaka u waramayay laanta Afsoomaaliga ee Idaacada BBC-da, wuxuu yidhi “Ninkaas (Xaglo-toosiye waxaanu u naqaanaa inuu ku jiro koox argagixiso ah oo dhib iyo amni xumo doonaysa inay ku soo kordhiyaan mandaqada, waanu ka war haynaa inuu dibada ka yimaado oo uu Baasaboor ajanabi ah sito, qarankan Somaliland-na waanu iska celin doonaa.”
Wasiirka oo la weydiiyay sababta uu ninkaasi iyo kooxdiisa ugu eedaynayo Argagixiso wuxuu yidhi “Cilaaqaad ayuu la leeyahay Argagixisada oo waanu ognahay, laakiin waxa kale oo uu sheegay inay isku ogyihiin oo uu ka tirsan yahay dawlada Kumeel gaadhka ah ee Somalia, iyaga ayaanu jawaab cad ka sugaynaa oo haddii uu ka tirsan yahay oo ay run tahay waxaanu u aragnaa faro gelin, haddii kalena ha cadeeyaan . Anaguna uma dul qaadan doono oo waanu iska celin doonaa kooxdan.”
Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale wuxuu dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii dadkoodu ku dhinteen dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Buuhoodle, waxaanu ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, waxaanu sheegay inay ahaayeen dad masaakiin ah oo lala doontay fidmo.
“Somaliland waa qaran gelaya doorasho xor iyo xalaal ah, hase yeeshee waxaan caddaynayaa anagoo codaynayna inaanu haddana iska celi doono, ninkani waxaanu ku wargelin doonaa dawlada Maraykanka,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo maanta u waramayay Laanta afsoomaaliga ee BBC-da.
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa uu ka qabanayo degmada Ceel Afweyn oo uu muddo ku sugnaa waxaanu yidhi “Waxaan u joogaa halkan waa deegaankaygii waxa lagu jiraa xili doorasho dabcan olale doorashana waan ku jiraa.”
|