WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
Masuuliyiintii Xisbiga UDUB ee Gobolka Sanaag Oo Dhammaantood Daboolka Ka Qaaday Inay Ka Baxeen Xisb PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Sunday, 13 June 2010
Ceerigaabo (WIJA)- Dhamaan masuuliyiintii xisbiga UDUB ee Gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay iska casileen xilalkii ay ka hayeen xisbigaasi isla markaana ay ka baxeen xisbigoodii oo ay ku eedeeyeen fadhiidnimo iyo qorshe la’aan. Masuuliyiintii xisbiga UDUB ee gobolka Sanaag waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa;id oo ay maanta ku qabteen xarunta xisbiga UDUB ee gobolka Sanaag, waxaana Hoggaaminayay xubnaha is casilay Guddoomiyihii xisbigaasi ee Gobolka Sanaag Cali Ismaaciil Barre (Cali Dheere), Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee xisbiga UDUB ee Gobolka Sanaag Aamina Cali Yare, Guddoomiyihii Degmada Ceerigaabo ee xisbigaasi Maxamed Cawad iyo Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee xisbiga UDUB ee degmada Ceerigaabo Xaawa Fiin iyo dhamaan masuuliyiinta laamaha. Saraakiishaasi xisbiga UDUB ee Gobolka Sanaag, waxay sheegeen inay ka baxeen xisbiga UDUB isla markaana ay maanta illaa caawa ay ka fikirayaan xisbiga ay ku biiri doonaan, waxaanay xisbigoodii hore ku tilmaameen mid aan waxba dalka u qaban oo aan lahayn istiraatajiyad cad. Iscasilaada saraakiishani waxay ku soo beegantay xili uu Madaxweynaha Somaliland Md, Daahir Rayaale Kaahin isla markaana ah Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga UDUB uu shalay ka soo laabtay socdaal sadex maalmood qaatay oo uu ku soo maray degmooyinka Ceerigaabo, Gar adag iyo Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag. Sidoo kale, ma aha markii u horraysay ee masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB ay ku dhawaaqaan inay iska casileen xilalkii ay hayeen xiligan xasaasiga ah, balse waxa hore isku casilay Gudoomiyeyaal xisbi oo heer degmo ah iyo sadex Maayar Magaalo.
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 3 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!