WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Guddoomiyaha Gudida Anshaxa Doorashooyinka Oo Digniin Culus U Soo Jeediyay Telifanka Qaranka, PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Sunday, 13 June 2010
Hargeysa (WIJA) Guddoomiyaha Guddida Anshaxa Doorashooyinka Qaranka Axmed Maxamed Cadaad, ayaa sheegay in Telefishanka qaranku aanu ilaa hada u hogaansamin xeerka anshaxa doorashooyinka ee ay dhawaan bahda saxaafada iyo Komishanku ku kala saxeexdeen Hargeysa. Sidaasna waxa uu Prof. Axmed Maxamed Cadaad uu ku sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay, kaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka ee Hadhwnaagnews. Waxa kale oo uu guddoomiyuhu tilmaamay in telefishanka qaranku aanu si siman oo ay cadaaladi ku jirto wararka iyo barnaamijiyada ugu baahinin xisbiyada iyo taageerayooshooda, balse u dhinac saaro xisbiga UDUB oo keliya. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran ayaa waxa uu u dhignaa sedan “Anigoo ah guddoomiyaha guddida ilaalinta anshaxa iyo habsami u socodka doorashooyinka qaranka Somaliland waxay iila muuqataa ama aan ku cadaynayaa in aanad sidii la rabay u fahmin ama ugu dhaqmin warqadii hore ee aanu soo dirnay taas oo si faahfaahsan u sharaxaysay sida warbaahinta qaranka ay ugu siman yihiin dhamaan xisbiyada qaranka inta lagu gudo jiro ololaha doorashada madaxtooyada. Xeerka ugu muhiimsan ee la doonayo in lagu dhaqan geliyo warbaahinta qaranka, waxay tahay in loo sinaado dhamaan barnaamijyada iyo qoraalada loo baahinayo si isle’eg oo uu xisbi waliba helo cadaalad iyo sinaan inta lagu guddo ololaha doorashooyinka. Waxa xusid mudan in Telefishanka qaranku aanu ku dhaqmin dhamaan shuruudihii looga baahnaa, kaas oo aan fursad isle’eg siinin xisbiyada kale oo xisbigiisa UDUB oo keliya siiya fursad aad uga badan xisbiyada kale, sidoo kale si lid ku ah habka anshaxa, telefishanka qaranku fursad ma siiyo xisbiyada mucaaradka ah ee iyo taageerayaashooda. Hadaba tan iyo markii aanu ku soo dirnay fariintii hore, aad baan ula soconay barnaamijyada aad tabisaan waxa aanu aad uga xunahay in Telefishanka qaranku aanu ku dhaqmin talooyinkii ay heleen, waxa aan dareensanahay haba yaraatee waxba aanay iska bedelin sida loogu tabiyo daawadayaasha ololaha doorashada, waxaana si cad u maqan ku dhaqanka xeerka anshaxa doorashada. Hadaba waxa nagu waajib ah in aan ku dareensiiyo inuu jiri karo ciqaab ay mutaysanayso cidii ku xadgudubta xeerka anshaxa. Qodobkani wuxuu muhiimad aasaasiya u leeyahay muwaadiniinta reer Somaliland ee ka qayb qaadanaya doorashada, waxa aanu u madax banaanahay in aan warqadan u bandhingno ama u baahino dadweynaha taas oo ay ku lifaaqan tahay warqadii aan hore idiin ku soo dirnay".
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 5 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!