| |
|
|
Dadweynaha Reer Hargeysa Oo Maanta Si Cajiib Ah U Soo Dhaweeyey Gudoomiyaha Xisbiga UCID Iyo Wefti U |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Monday, 14 June 2010 |
|
Hargeysa-(WIJA) Hargesay: Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha nool caasimada Hargeysa, ayaa saaka si layaab leh magaalada Hargeysa ugu soo dhaweeyey Gudoomiyaha xisbiga UCID ah-na musharaxa madaxweyenina ee xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe iyo wefti uu hogaaminayay oo muddo laba todobaad ah safar ugu maqnaa Gobolada Bariga Somaliland, oo ay ka wadeen hawlaha ololaha doorashada madaxtooyada.
Dadweyne aad u fara badan oo gaadiid kala duwan ku gaashaaman, ayaa weftiga kaga hortegay deegaanka Haleeya ee bariga magaalada Hargeysa, halkaas oo si cajiib ah looga soo galbiyey, iyada oo ay waddooyinka dhinacyadeeduna tubnaayeen dad badan oo luxayay calanka iyo astaamaha kale ee xisbiga UCID.
Waxaana weftiga loo soo galbiyey dhinaca faraagaha beerta Xoriyada, oo ay heegan ku sii ahaayeen Taageerayaal badan, oo iyaguna qayb laxaad leh ka qaatay soo dhawaynta weftiga.
Gudoomiyaha xisbiga UCID ah-na Musharaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe oo taageerashii faraha badnaa ee isugu soo baxay Fakaaraha beerta Xoriyada, oo halkaas hadal-dheer ka jeediyey, ayaa hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi “Walaalayaal waad mahadsan tihiin reer Hargeyasaw si fiican ayaad noo soo dhawayseen, waana aynu isku ogayn oo waa la yaqanaa inaad qali fiican tihiin. Waxaanu idiin balan-qaadaynayaa isbedelka aanu Somaliland ku samaynayno inaanu ka qayb-gelinayno Hargeysa si ay noqoto caasida asalka ah ee Somaliland, isla markaana u noqoto Caasimad dhalaalaysa oo aan wasakhlahayn.”
Waxa uu Gudoomiyuhu ka hadlay himilada loo sameeyey xisbiga UCID, “Walaalayaal xisbigan caddaalada iyo daryeelka ee UCID waxaynu u samaynay in himada Ummada reer Somaliland 50-ka sano ku hamiyayeen inaanu hirgelino ayaanu doonaynaa, himiladii SNM in aanu hirgelino ayaanu doonaynaa, taas oo ah; kow in Kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Rasuulka [NBKH] inaynu qaadano oo aynu isku xukuno. Waxaanu ku ballan-qaadnay in aanu Baynal-koodh-kii ka tuurno Maxkamadaheena, inaynu Kitaabka ilaahay qaadano ayaanu ballan ka qaadaynaa. Walaalayaal diinta aynu qaadanaynaa maaha mid culus ee waa tii la wada-tashanayay, waa tii xuquuqda Haweenka, Caruurta, Agoonta iyo xawaanka Ilaahay Sameeyey inta sugaysay, ee Nebiga Maxamed [NNKH] aduunka u soo saaray. Walaalayaal waxa aynu doonaynaa inaanu rogrogno oo aanu Aayad-aayad u raacno, isla markaana noqono Toosh ka soo dhex-baxa Adduunka oo weliba Tusaale u noqda.”
Gudoomiyuhu waxa uu hadalkiisa intaa raaciyey oo uu yidhi “Walaalayaal, Insha’aalaahu tacaalaa waxa aanu doonaynaa inaanu shacbbiga reer Somaliland ka haqab-tirno waxbarashada. Beni’aadamku haddii aanu wax baran mugdi ayuu ku nool yahay, qof kasta oo reer Somaliland ahí meel kasta oo uu joogo waxa aanu doonaynaa inaanu waxbarasho gaadhsiino ama bannaan ha joogo ama Guri ha joogee, ilaa Dugsiga sare inaanu bilaash ka ndhignaa ayaanu doonaynaa.”
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu inftiimiyey inay macalimiinta siin doonaan mushahar badan oo u qalma waxa uu dhigayo, isaga oo ballan-qaadanay inaan dib loo arkayn macalin dambe balan-balayaa, isla markaana waxa ay Somaliland ka hirgelin doonaa xaddaarad la jaan-qaada ta caalamku ku tallaabsaday, iyada oo uu farta ku fiiqay inay u qorshaysan tahay haddii talada dalka ku guulaystaan inay dhalinyarada u abuuri doonaan fursado badan oo qayb ka qaata horumarka ay dhalinyaradu hiigsanayso, isaga oo si gaar ah u tilmaamay inay hirgelin doonaan iskuuladii farsadama gacanta.
Waxa uu sheegay inay wax badan ka qaban doonaa caafimaadka iyo biyaha waddanka , “Walaalayaal waxa aanu doonaynaa inaanu la dagaalano cudurada. Maanta cusbitaal keliya oo inoo shaqaynayaa ma jiro, waxa aanu jecelnahay in degmo kastaa cusbiteelkeeda yeelaa, oo Hoodayadu cusbitaal nadiif ah oo ay ku dhasho heshaa. Sida oo kale haddii ilaahay ka dhigo waxa aanu wax badan ka qaban doonaa biyaha waddankeena, maaha dadkeenu inay ka cabaan taayirka Babuurtu marto, maaha inay ka cabaan warta dameerku ku kaajo ee ay dacawadu ku dhimato, ee waa in qof kasta reer Somaliland ahí biyo nadiif ah helaa. Waxa kale oo aanu wax weyn ka qaban doonaa waddootyinka burbursan ee waddankeena.”
Waxa kale oo uu Gudoomiyuhu ballan-qaaday inay wax-weyn ka bedeli doonaa nabadgelyada waddanka, oo ay tayayn doonaa cidaanka Amaanka, isaga oo carabka ku adkeeyey inay kafaalo-qaadi doonaana oo ay mushahar u qori doonaan qoyskii uu ka geeriyooday Askirigii maalintii dhawayd ku dhintay magaalada Burco.
“Walaaleyaal mar dambe arki maysaan qof naafo ah oo dawarsanaya oo dawlada ayaa la wareegaysa, arki maysaan ilmo yar oo 7 jir ah oo baalash marinaya wax-baanu bari doonaa isha allaah, waa inagu ceeb Caruurta suuqa xabagta ku cabto waxaa loo baahan in aanan la arag qof reer somaliland ah oo baahan, waxaanu samaynaynaa sanduuqii sakada oo qof reer Somaliland oo baahan wax ugu qaban doonaa, walaalayaal sheekadu maaha kursi ayaanu doonaynaa ee waxaa weeye xaalada adag ee wadanku jiro wakhtigan ayaa la badelayaa 26-ka bisha wakhtigan wanaagsan ayaa la galayaa.”
Mar uu ka hadlayay xidhiidhka Somaliland iyo dawladaha jaarka ah waxa uu yidhi “Waxa aanu doonaynaa inaanu waddmada jaarka ah kula noolaano nabad, Soomaaliya ayaanu nabad kula noolaanaynaa oo dawlad ayaynu u samaynaynaa, oo waxa aynu doonaynaa inaynu faylkeeda la soo wareegno, oo Faylka Jabuuti ayaanu ka soo qaadaynaa, Qaramada madoobi ayaynu ka soo qaadaynaa.”
Waxa uu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, “Walaaloyaal Itoobiya abaal ayay inagu leedahay, maalintii aynu qaxnay ee meel aynu galno waynay kuwii hoyga ina siiyay iyaga ayay ahaayeen. Hasayeeshee waxa aanu doonaynaa inaanu saymaysano xidhiidh isku dheeli tiran oo isku siman, oo waxa dalkooda galeya iyo waxa inaga ina soo gelayaa inay sinnaadaan, u ogolaan mayno inay iyaga wax ka yimaadaan inagna waxa inaga tegi waayaan, Kootarabaan ku gelin mayno ee sharci ayaynu ku gelin doonaa. Marka aanu ka baxno doorashada heshiis ayaanu la soo geli doonaa.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.
Waxa uu intaas ku ladhay oo uu yidhi “Marka aanu talada dalka qabano haddii ilaahay ka dhigo saddexda bilood ee ugu horeeya waxa aanu qabanaynaa shirweyne lagaga arinsanayo sidii loo ballaadhin laha dega Berbera, oo laga dhigi lahaa Honkong oo kale. Waxa aanu doonaynaa in Berbera waraabiso maaha Ibtoobiya oo kale ee ilaa Koonfurta Sudan ayaanu doonaynaa inay waraabiso. Waxa aanu doonaynaa inaanu Berbera Haybadeedii ku soo celino. Saaka ayaan Berbera soo marayoo Geel ayaa ka Suuqa dhexdiisa ka toos-toosayay, waanu ka xun-nmahay in Berbera sidaa loo galo. Berbera waa in laga xishoodaa waa Hoodaydii dalka’e, waa Naaskii dalka ee aynu jaqaynay. Insha’alaahu taacaa waxa aanu ka dhigi doonaa Honkong
Waxa uu dadweynaha ku dardaarmay oo uu yidhi “Walaaloyaal waxaan idinka tegayaa, waa in la is jeclaadaa, waa in cadawga la iska ilaaliyaa, Jararkiina eega oo ka war haya, cadawgeenu maanta waa active ee waa inay wada Boolis noqonaa. Waxa aynu doonaynaa in ilaahay waddankeena ka dhigo waddan khayr-qaba, oo Xumaha iska reeba oo waanaga is fara. Walaaloyaal dadka faqiirka ah ha la ogaado, dadka la xaadla la’-na ha la ogaado, dadka masdaxka ka jiran-na waa in la ogaadaa. Walaaloyaal waxaan idiin sheegayaa insha’alaahu tacaalaa waa-cusub ayaa inoo beryi doonee, waa inoo 26-ka June, codkiina waa inaad siisaan xisbiga caddaalada iyo daryaale ee UCID.”
Waxa isaguna halkaas ka hadlay gudoomiye xigeenka 2-aad ee xisbiga UCID Md. Aadan Maxamed Mire Waqaf, oo si weyn ugu mahadceliyey taageerayaasha reer Hargeysa ee sida aan kala hadhka lahayn ugu soo dhaweeyey caasida Hargeysa.
Waxana uu hadakiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaa saaka hubaal ah inay Hargeysa hadashay oo ay ka jawaabtay baaqii xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID ee ahaa inay taageeradooda siiyaan, waxa aan leeyahay reer Hargeysaw Hambalyo.”
Waxa uu intaas raaciyey oo uu ydihi “Waxa 12 cisho ka hadheen maalintii loo dareerayay doorashada madaxweynaha, waa 26-ka June. Waxa ay ila tahay inay inoo astaysantahay meeshii aynu codka ku ridi lahayn oo ah caddaalada iyo daryeelka. Waxa aan leeyahay annagu waxa aanu idiin wadnaa dad cusub, dhiig cusub iyo madaxweyne cusub oo aan godob-na gelin. Waxa aanu marti idiinka nahay reer Hargaysaw, reer Somaliland-naw inaad codkiina na siisaan. Waxa la idiinka baahan yahay inaad u hubsataan meesha aad codkiina marinaysaan 26-ka June. Waxa aanu idiin wadnaa isbedel khayr qaba.”
Waxa uu u soo jeediyey taageerayaasha xisbiga UDUB, “Waxaan leeyahay qolada weli dugsanaysa qolfoofka xisbiga UDUB asaagiin dhinac ka raaca. Waxaan leeyahay taageerayaashii UDUB waxa ay kala noqdeen koox ku biirtay UCID iyo kuwo kale oo ku biiray KULMIYE, iyo qaar aan weli go’aan gaadhin. Qoladaas weli aan go’aanka gaadhin waxa aan leeyaay qolfoofka wakhtigiisii--baa dhamaadaye ee asaagiina soo raaca, waxaana aanu idiinku baaqaynaa inaad ku soo biirtaan xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID. Waxa aanu wadnaa wax idinka xujo idinku ah, anagana xujo nagu ah waana Kitaabka Ilaahay iyo sunnadaha Rasuulka, waxa aanu doonaynaa in kelmada laa’ilaha ilalaahu kor-u-qaadno.”
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiin ay ka mid ahayeen Xogaha guud ee xisbiga UCID Md. Muuse Inji, Xog-haya arrimaha dibada ee xisbiga UCID Faadumo Cali Madar, Gudoomiyaha Ololaha doorada xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex iyo Cumar Sulub oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga UCID, oo dhamaantood isku raacay xisbiga UCID yahay ka keliya ee bulshada Somaliland u horseediyada horumar iyo nolol dhisaman, oo cadaalada iyo aqooni hagayso.
Waxa ay hoosta ka xariiqeen in Somaliland u baahan tahay isbedel wax-ku-ool ah, oo wax weyn ka bedela geedi-socodka nololeed ee bulshada Somaliland u baatahan tahay.
Waxaana ay ugu baaqeen guud ahaan bulsho-weynta reer Somaliland inay codkooda siiyaan xisbiga caddaalada iyo daryeelka, oo ay ku tilmaameen ka keliya ee Somaliland ka saari karaya xaalada caakiran ee waddanku ku jiro.
|
|
|
|
|
Who's Online |
|
We have 4 guests online |
|
|