WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Taageereyaasha Xisbiga UCID Oo Dhoola Tus Balaadhan ka Sameeyay Magaalada Ceerigaabo PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Monday, 14 June 2010
Ceerigaabo (WIJA)- Boqolaal qof oo ka mid ah taageereyaasha xisbiga UCID ayaa maanta dhoola tus balaadhan ka sameeyay Xaruntooda Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Taageereyaal tiro badan oo ruxayay calanka iyo sawirada Murashixiinta xisbiga UCID waxaanay socod iyo gaadiid ku mareen wadooyinka Magaalada Ceerigaabo waxaanay aakhirkii isku yimaadeen xaruntooda halkaasi oo ay hadalo uga jeediyeen masuuliyiinta xisbiga UCID ee gobolkaasi. Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee gobolka Sanaag, Cabdilaahi Axmed Daamur, oo ka hadlay isku soo baxaasi ayaa taageereyaasha xisbigaasi uga mahad celiyay siday ugu soo baxeen xisbigooda waxaanu uga waramay barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga UCID gaar ahaan dhinacyada horumarinta Caafimaadka, Waxbarashada iyo adeegyada kale ee bilshada. Cabdilaahi Axmed Daamur, wuxuu shacbiga gobolka Sanaag ugu baaqay inay codkooda si hagar la’aan ah u siiyaan xisbiga UCID oo uu ku dooday inay hoggaaminayaan siyaasiyiin cusub oo wax ka bedeli kara xaalada dalka. Waxaanu taageereyaasha xisbiga UDUB u soo jeediyay inay ku biiraan UCID. Sidoo kale, waxa ka hadlay isu soo baxaasi taageereyaasha UCID Guddoomiyaha olalaha doorashada xisbigaasi ee gobolka Sanaag, Saalax Barre oo sheegay in xukuumada xisbiga UDUB aanay dalka waxba u qaban sideed sano ku dhawaad ay tallada dalka hayeen. Saalax Barre wuxuu balan qaaday inay dadweynaha gobolka Sanaag wax weyn ka qaban doonaan wado la’aanta iyo adeegyada kale ee bulshadaba. Saalax Barre wuxuu taageereyaasha UCID u soo jeediyay inay nabadgelyada dalka xil weyn iska saaraan maalinta codbixinta doorashada madaxtooyadana si weyn ugu soo dareeraan oo ay gutaan waajibaadka iyo xuquuqda dastuuriga ah, oo ay ka baaraan degaan cida ay ku aaminayaan masiirkooda shanta sanadood ee soo socda.
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 13 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!