WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Ururka waddaniga ah ee Tawfiiq oo soo bandhigay Carwo dhaqameed lagu soo bandhigay agab fara badan PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Monday, 14 June 2010
Ururka waddaniga ah ee Tawfiiq ayaa soo bandhigay carwo dhaqameed dhammaanba ay ku dhammaayeen waxyabaha hiddaha iyo dhaqanka u ahaa soomaalida, waxaana carwo dhaqameedkaasi ay ku soo bandhigeen xarunta ururkaasi iyo weliba goob ka mid ah badhtamaha suuqa weyn ee burco. sidoo kale carwo dhaqameedkan ayaa lagu soo martuqaaday ha’yado ajaanib ah oo la baray waxyaabaha dhaqanka u ah soomalida, waxayn xubnahaasi ka socday hay;adah caalamiga ah ka qaateen carwadaas qaar ka mid ah waxyaabihii lagu soo bandhigay carwo dhaqameedkan, sida Koor iyo suudh wax la yidhaa iyo weliba waxyaabo kale oo badan.. Guddomiyaha Ururka TAWFIIQ faadumo maxamed cigaal aya ka warbixisay sababaha ay u soo bandhigeen carwo dhaqaamedka cusub iyo ujeedoyinka ay ka lahaayeen samaynta iyo soo bandhigista agabkii hiddaha iyo dhaqanka soomalida ahaa. Waxay sheegtay faadumo in ay u soo bandhigeen in ay tusaan Hay´ado ajaanib ah, isla markaasna ay muhim tahay in dalalka caalamku ay bartaan waxay yihiin somalidu iyo waxay dhaqanka u leeyihiin, si waxyaabo badan ay inoogaga daydaan, maaadama bay tidhi ay dhalinyarteenu iyaga wax badan kaga daydeen, waxay sidoo kale xustay in xisbiga UDUB ay halkaan kaga taageeryeen maadama bay tidhi aan ka mid ahay aasasayaashi xisbiga UDUB, iyadoo xustay in Madaxweyne Maxamed ibrahin Cigaal ay inaadeerti ruma tahay, Fadumo maxamed cigaal ayaa dhinaca kale soo bandhigtay waxbqadyada ururkooda, iyadoo sheegtay in ururkooda yahay TAWFIIQ WOMAN ASSOCIATIN isla markaasna yahay urur haween, waxay sheegtay in ururkoodu jirey muddo ka badan 10 sannadood. Fadumo maxamed cigaal ayaa xustay in masaajido ay ka dhiseen Yiroowe iyo tuloyin kale isla markaasna uu ururkoodu maalgeliyey, iyado sidoo kale sheegtay in hadda ay wax baraan haweenka iyo dadk waaweyn ee fursadda waxbarasho dhaaftay waxbrashada ay baraana tahay xirfadaha sida farsamada Gacanta iyo wax akhriska iyo wax qorsita, waxay ku ammaantay ardaydii uu ururkoodu wax baray in ay yihiin kuwa maantaba soo bandhigay waxyaaba indhahiinu qabanayaan ee aad aragtan ayay tidhi. Isku soo wada xooriyee waa markii horreysay ee Ururka Tawfiiq uu ku soo bandhigo Gobolka Togdheer carwo dhaqameed noocan oo kale ah, iyadoo hay’adihii halkaasi ku soo bookhdayna ay ka mabsuudeen qaabka loogu fara yaraystay agabkaas iyagoo wixii indhahooda soo jiitayna ka codsaday xaji fadu inay qaataan.
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 4 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!