WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
Xarakada Al-shabaab oo Muqdisho ka furtay Xarun lagu baaro Caafimaadka Xoolaha PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Monday, 14 June 2010
Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ka furay magaalada Muqdisho xarun lagu baaro xoolaha, xaruntaasoo laga furay Suuqa xoolaha lagu iibiyo ee loo yaqaano Suuqa Dayax. Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xarakaada Al-shabaab oo maanta shir jaraa´id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay suuqa xoolaha ee Dayax ka furaan xarun lagu hubiyo caafimaadka xoolaha iibka loo keeno suuqaas, si loo hubiyo buu yiri caafimaadkooda. Waxa uu sheegay inay suuqa Dayax ay u sameeyeen maamul loogana baahan yahay ganacsatada inay la shaqeeyaan maamulkaas, isagoo xusay in neefkii cudur laga helo la daaweynayo iyadoo aan wax lacag ah laga qaadaynin qofkii lahaa. "Waxaan u sameynay goobta caafimaad ee Suuqa Dayax si loo baaro caafimaadka xoolaha lagu iibinayo, si aan xoolo jirran looga iibin shacabka" ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo ganacsatada xoolaha ugu baaqay inay xoolahooda baaraan. Maamulka Xarakada Al-shabaab ayaa dhowr bilood ka hor ku soo rogay kawaannada magaalada Muqdisho ee lagu gowraco xoolaha amar ah in ganacsatada xoolaha iyo dadka qala ay dhowraan nadaafadda kawaannada iyo Miisaska lagu iibiyo xoolaha si dadku u helaan hilib nadiif ah. =Sheekh Xasan Daahir Aweys: “Waxa ay Al-shabaab waddo waxa ay dhaawacaysaa dedaalka lagu doonayo……” Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xubno iyo ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam oo ku sugan Gobolka Hiiraan oo sheegay inay ku biireen Xarakada Al-shabaab ay been tahay haddii ay jiraana aysan matalin xubnahaasi ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan. Waxa uu sheegay in xarakada Al-shabaab ay waddo bililiqeysi ku saabsan dhanka ciidamada Xisbul Islaam, isagoo xusay in arrintani ay dhaawacayso dadaallo la doonayay buu yiri in lagu mideeyo labada kooxood. “Waxaa heshiin kara mas’uuliyiinta labada dhinac, balse shaqsiyaad yaryar oo aan xil hayn ma dhici karto inay yiraahdaan waxaan la midownay Xarakada Al-shabaab, taasna ma ahan wax aan ogolaan karno” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys. Waxa uu sidoo kale ka hadlay dagaallada ay ku jiraan dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM wuxuuna sheegay in ay sii wadayaan dagaalladaas inta buu yiri laga daynayo Soomaaliya faragelinta lagu hayo, isagoo sheegay inaysan marnaba is dhiibayn oo ay dalka iyo diinta u dagaalamayaan. Waxa uu Sheekhu sheegay in dalal ay ka mid tahay Itoobiya ay dalka Soomaaliya faragelin ku heyso, waxayna siyaasad ahaan iyo milateri ahaan gacanta kula jirtaa ayuu yiri arrimaha dalka Soomaaliya, isagoo xusay in ciidamo badan ay Itoobiya soo dhoobtay xuduuddaha dalka Soomaaliya.. Dhanka kale, wuxuu Sheekh Xasan Daahir Aweys ka hadlay Telefishinka Universal oo uu sheegay inuu ku xadgudbay Nabi Muxammed (NNKH), wuxuuna sheegay in xadgudubkaas uusan ahayn mid laga towbad keeni karo.
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 1 guest online
Polls
 
Design by Somaliland Software!