WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Madaxweyne Rayaale Oo Boqolaal Ka Mid Ah Taageerayaashiisa Kula Hadlay Beerta Xorriyada. PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Monday, 21 June 2010
Hargeysa (WIJA) Taageerayaasha xisbiga Talada dalka haya ee UDUB ayaa maanta isu soo baxyo waaweyn ka dhigay gobolada iyo degmooyinka ay ka kooban tahay Somaliland. Magaalada Hargeysa oo ah caasimada Somaliland ayaa si weyn looga dareemayay isu soo baxa xisbiga UDUB, iyada oo ay saaka taageerayaasha xisbigaasi soo buux dhaafiyeen fagaaraha beerta xorriyada oo uu kala qayb galay Madaxweynaha Somaliland Mud.Daahir Rayaale Kaahin. Waxa kale oo iyaguna madasha fadhiyay xubno wasiiro ah oo ay ka mid ahaayeen wasiirka waxbarashada, wasiirka beeraha, wasiirka duulista, wasiirka madaxtooyada, wasiir ku xigeenka qorshaynta, wasiirul dawlaha xanaanada xoolaha, wasiir ku xigeeenka gaashaandhiga, Wasiirka ciyaaraha, Badhasaabka Hargeysa, saraakiil sarsare iyo waliba xubno ka socda xisbiga UDUB. Madaxweyne rayaale oo la hadlayay taageerayaasha xisbigiisa ayaa sheegay in xisbigooda uu yahay ka keliya ee ku haboon in uu ku guulaysto doorashada madaxtooyada, “Maanta waxa aynu u taaganahay maalintii ugu dambaysay ee Ololaha doorashada madaxtooyada, ee uu xisbiga UDUB u lahaa iyada oo ay doorashadii inaga xigto maalmo koobani, xisbiyada tartamaya xisbiga UDUB waa hooyadii dimuqraadiyada Somaliland, dmuqraadiyada xisbiga UDUB ayaa bilaabay, waa hooyadii nabada Somaliland,” Madaxweyne rayaale ayaa taageerayaasha tirade badan ee uu la hadlayay su’aal ku saabsan dhinaca nabadgalyada waydiiyay, waxaanu isugu jawaabay in ay nabadi ka dhacday waxaanu yidhi “Intii uu xisbiga UDUB talada hayay ma balaayo ayaa dalka ka dhacday, nabad ayaa ka dhacday” Murashaxa xisbiga UDUB ee doorashada la filayo in ay maalmo kooban ka dib dalka ka dhacdo, Mr. Daahir Rayaale Kaahin ayaa balan qaaday hadii uu mar kale ku guulaysto doorashada Somaliland in ay dadka midoobi doonaan waxaanu yidhi “Xisbiga UDUB waxa uu balan qaadayaa midnimo, shacbiga Somaliland oo ul iyo diirkeed ah, “ Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in xisbiga UDUB ay ka reeban tahay xagjirinmo, balse waxa uu taa bedelkeeda shaaciyay in rag badan oo xag jiriin ahi ay ku jiraan xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye waxaanu yidhi “Xisbiga UDUB waxa ka reeban xag jinimo, laakiin xisbiga Kulmiye waxa ku jira rag badan oo xag jiriin ah, xagjirnimadu way noocyo badan tahay, xisbiga UDUB xisbi caadifad ku shaqeeya maaha, waa xisbi deganaansho, arrin kastana ka fiirsada. Dal waxa hagi kara hogaan talada ka fiirsada kaas ayaa meel gaadhsiin kara, ma hagi karaan niman cadhaysan oo iyaga oo aan wali xilkii qabanin waanu aarsanaynaa lihi, nimanka maanta sii hanjabaaya ee leh dadkayaga ayaanu ka aarsanaynaa, beritona maxay samaynayaan,” Madaxweyneha ayaa mar uu taageerayaashii la hadlayay shaaciyay in xibiga UDUB intii uu talada dalka hayay uu qabtay waxyaabo badan waxaanu yidhi “Xisbiga UDUB intii uu talada dalka hayay waxqabad ayuu muujiyay, wixii uu qabtay wax la qarin karo maaha, waxaanay u muuqataa sida qoraxda, haddii ay tacliin tahay, hadii ay caafimaad tahay, hadii ay fidinta maamulka tahay xisbiga UDUB ayaa sameeyay, mana jirin wax dhaqaale ah oo ay xisbiyada mucaaradka ahi ma jiraan” Geesta kale waxa uu madaxweyne rayaale khudbadiisa ku soo qaaday in rag aanu magac dhabini ay sheegaan in ay baabiin doonaan maxjarka lagu xanaaneeyo xoolaha, isaga oo arrimahaa faahfaahin ka bixinayana waxa uu yidhi “Rag baa yidhaahda Maxjarka waanu baabiinaynaa, hadii la laabiiyo ma dan baa umada ugu jirta, waxa kale oo aan idiin sheegayaa in magaalada Berbera iyo wajaale laga samayn doono laba koontiindher si ay xoolaheenu uga dhoofaan,” Waxa kael oo iyaguna halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka qorshaynta Axmed Xaashi, Guddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta Maxamuud Cabdi Faarax (Ina cabdi Malaw), guddoomiyaha ololaha doorashada cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) iyo xildhibaan Xasan Xaydh oo ka tirsan golaha deegaanka hargeysa kuwaas oo dhamaantoodba taageerayaasha xisbiga UDUB kula dardaarmay in maalinta codbixinta ay codkooda ugu deeqaan xisbiga siyaasiga ah ee UDUB.
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 17 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!