|
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo War Aan Sal Iyo Raad Toona Lahay Ku Tilmaamay War Laga Baahiyay Telefis |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Monday, 21 June 2010 |
|
Hargeysa-Murashaxa jagada madaxweyneha ee xisbiga siyaasiga ah ee UCID Eng, Faysal Cali Xuseen, ayaa goor dhaweyd war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay war shalay laga baahiyay telefishanka qaranka iyo radio hargeysa, kaas oo sheegayay in uu taageerayaasha xisbigiisa ee Magaalada Boorama kula dardaarmay in ay codkooda siiyaan xisbiyada UDUB iyo UCID.
Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa dhinaca kale wariyaha radio Hargeysa iyo Telefishanka qaranka uga soo warama magaalada Boorama ku tilmaamay in uu yahay wariye ka dhacay, oo shacabka u soo gudbiyay war aan sal iyo raad toona lahayn.
Guddoomiye Faysal ayaa guddida anshaxa doorashooyinka ku eedeeyay in aanay xakamaynin xukuumada, waxaanu tilmaamay in ay taasi tahay ayaan daro.
Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu galabta u Huteel Scandenevian ugu waramayay warbaahinta, waxaanu tilmaamay in aanay marnaba suurtogal ahayn, ugu horeyn guddoomiyaha xisbiga UCID oo mahadnaq gaar ah u soo jeedinaya taageerayaashiisa ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabya sedan “Ugu horeyn waxa aan u mahadnaqayaa taageerayaasha xisbiga UCID oo iyagu si niyad ah u soo bixin, kuwaas oo aanan wax lacag ah siinin sida xisbiyada kale oo iyagu lacag iyo basas isugu dara, guud ahaanba shacabka reer Somaliland sidii ay fiicnayd ee ay uga qayb galeen ololaha doorashada madaxtooyada, waxa kale oo aan hambalyaynayaa ciidamada amaanka oo hadh iyo habeenba heegan ugu jiray in ay sugaan nabadgalyada” ayuu yidhi.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa cadaatay in aanay guddida anshaxa doorashooyinku xakamaynin, oo qodobadii aanu ku heshiisnay ay jabiyeen, Telifashanka qaranka ayaa jabiyay, Wasiirada ayaa jabiyay oo gaadiidkii dawlada ayay ku ololaynayaan, taasina waa nasiib daro”
Murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID ayaa sheegay in markii la arkay in taageereda xisbiga Xisbigiisu ay sare u kacday in sumcad dilis lagu sameeyay waxaanu yidhi “Markii la arkay in xisbigayaga UCID dadku ay doorteen oo xaga samada laga doortay ayaa waxa la samaynayaa sumcad dilis, waxa aan leeyahay ku iska yidhaahda ololuhu ka niyad maaha, waa naga niyad, barnaamijkayaga ayaa ka markhaati ah, waxa ka markhaati ah calanka aanu sidano oo uu tawxiidku ku xardhan yahay, waxa ka markhaati ah in tiirarka shanta ah ee ay Somaliland ku taagan tahay ka koowaad uu noqon doono shareecada Islaamka, shareecada Islaamku maaha mid raqiis ah, sida uu Rayaale u sheegay, haddii aanu doorashada madaxtooyada ku guulaysano dalka waanu ku dhaqi doonaa, hadii uu alle yidhaahdo” ayuu yidhi.
Guddoomiye faysal ayaa jawaab la’aan ka soo qaaday hadal uu hore u sheegay wasiirka wasaarada hawlaha guud kaas oo la xidhiidhiyay in xisbiga UCID uu xidhiidh la leeyahay ururka argagaxisada ah ee Alshabaab.
“Waxa aan doonayaa in aan ka hadlo arrinta la yidhi Faysal Cali Waraabe ayaa yidhi UDUB ha la taageero, arrintaasi waa mid aan suurtogal maaha in aan idhaahdo ha la taageero xisibiga UDUB, Anigu waxa aan sheegaa in ay ku guul daraysatay sidii ay dadka wax ugu qaban lahayd oo ay ku fashilantay maamulka, waxa aan mar kale ku celinayaa in madaxweyne rayaale muddo sideed sano ah oo uu dalkan gacanta ku hayay uu ku fashilmay in uu dalka wax u qabto, waxa aan leeyahay shacabka reer Somaliland dadkii dadka isku diri jiray weli way nool yihiin markaa waxa aan idinka codsanayaa in aydaan noo maqlin wax ay dadka kale sheegayaan, waa in aad nagula xisaabtantaan wax aad afkayaga ka maqasheen oo keliya ”
“Hadalkan waxa la sameeyay markii la arkay sidii naloogu soo dhaweeyay magaalada Boorama oo ka fiicnayd sidii loogu soo dhaweeyay madaxweynihii sheeganayay in uu isagu naga xigo, iska daa wax kale kii Radio Hargeysa u joogay Boorama ee Caafi ayaa wax aanan odhan inta uu afkiisa ka sheegay, ayuu yidhi Faysal baa yidhi” ayuu hadalkiisa kaga baxay.
|