WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Maxamed Xaashi Oo KULMIYE U Soo Jeediyay In Isbedelka Loo Baahan Yahay Uu Noqdo In Laga Leexdo Nidaa PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Monday, 21 June 2010
Hargeysa( WIJA)- Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa sheegay in Somaliland u baahan tahay badbaadin weyn.in nidaamka wax laga bedelo oo aanu isbedelku ku salaysnaan qof qudha oo meesha laga saaro. Maxamed Xaashi wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu maanta ka qeyb galay xaflad uu ku soo dhawaynayay qurbo jooga xisbiga KULMIYE oo lagu qabtay Huteelka Summer Time ee magaalada Hargeysa. Waxaanu yidhi “Waan idin soo dhawaynayaa haddii aad tihiin qurbo jooga Somaliland waxaanan idin leeyahay soo dhawaada oo dhegahayagu aad ayay idiinku furan yihiine’e dalka horumarkiisa ka qeyb qaata.” “Maanta dalkeenu badbaado ayuu u baahan yahay sida runta ah laakiin taas u socdaa ma aha Hebel hebel ku bedel, laakiin waxa weeye maxaynu damacsan nahay oo xukuumada soo socota aynu ka damacsan nahay?, isbedelka aynu doonaynaa ma aha in reer hebel Wasiir hebel la siiyo.illaa lixdankiina dariiqo xun ayaynu ku soo jirnay oo odhanaya haddii aynu reer Hebel nahay imisa Wasiir iyo imisa Xildhibaan ayaynu leenahay dabeedna way inala taraartay. Taasna waxa kalifay raggii lixdankii mutacalimiinta ahaa ee doorashadii ka qeyb gali waayay ee markii ay Xamar tageen arkeen in Wasiiro jiraan oo Safiiro jiraan oo ay jiraan wax ka weyn waxan ay iyagu isku qoondeeyeen,”ayuu yidhi Maxamed Xaashi,waxaanu soo jeediyay in madaxda KULMIYE la tuso inaynu waxqabad u baahan nahay waxaanu yidhi “Dariiqaasi hore waa dariiq u baahan inaynu ka leexano oo aynu madaxda KULMIYE ku nidhaahno wax qabad baynu u baahan nahay ee darriiqaasi hore aynu ka leexano, oo aynu ka shaqayno waxyaabaha mudnaanta koowaad aynu siinayno ay ka mid noqoto horumarinta Waxbarashada, Beeraha, Biyaha, Caafimaadka iyo sidii aynu cunto u soo saaran lahayn.” Eng. Maxamed Xaashi wuxuu qurbo jooga Somaliland u soo jeediyay inay door weyn ka ciyaaraan horumarinta dalka.
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 13 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!