|
Qurbo Jooga Somaliland ee Dalka U Yimid Doorashada Madaxtooyada Oo Ka Digay In Dib Loo Doorto Madaxw |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Monday, 21 June 2010 |
|
Hargeysa-Qurbo jooga Somaliland ee ku jira xisbiga KULMIYE ee dalka u yimid doorashada Madaxtooyada ayaa sheegay in badbaadada iyo horumarka Somaliland ku jirto iyadoo shacbiweynuhu codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE, waxaanay si ba’an ugu digeen mustaqabalka dalka haddii dib loo doorto Madaxweyne Rayaale.
Masuuliyiinta Qurba jooga Somaliland waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta si wada jir ah ugu qabteen Huteelka Summer ee magaalada Hargeysa waxaanay kaga hadleen xaalada dalka ee xiligan kala guurka ah.
Xidhiidhiyaha qurbo jooga xisbiga KULMIYE Cismaan Saxardiid Caddaani, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in socdaalkoodani yahay mid ay ugu soo gurmanayaan shacbiga Somaliland ee doorashada madaxtooyada galaya 26-ka bishan June, sidii ay uga wacyi gelin lahaayeen inaanay mar dambe codkooda siin xisbiga UDUB oo uu ku eedeeyay inuu la daadegay dalka, waxaanu u soo jeediyay dadweynaha inay doortaan murashaxa xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Cismaan Saxardiid Caddaani, waxa kale oo uu intaasi ku daray dhaliil uu u jeediyay xukuumada maanta dalka ka jirta oo uu sheegay inuu ku fashilmay siyaasadii dibada iyo ictiraaf raadintiiba waxaanu tilmaamay inuu been ka sheego socdaaladiisa dibada.
Cismaan wuxuu sheegay in qurbo joogu marka ay isku dayaan inay wax ka weydiiyaan xaalada dalka aanu ka
Waxa kale, oo halkaasi ka hadashay Guddoomiyaha garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee UK Qadan Maxamed Cismaan, waxaanay sheegtay inay qaxoontiga qurbo jooga ah ee reer Somaliland ay farriin u soo fareen shacbiga Somaliland fariintaasi oo ah haddii uu xisbiga KULMIYE ku guulaysto doorashada inay dalkoodii ku soo noqon doonaan.
Waxaanay tafaasiil ka bixisay dhibaatooyinka dhinaca dhaqanka la xidhiidha ee haysta carruurta Somaliland ee ku
Qadan Maxamed Cismaan, waxay sheegtay in dalku u baahan yahay isbedal siyaasadeed si uu u gaadho horumar sal balaadhan.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee UK Abiib Cabdi Jaamac iyo Guddoomiyaha KULMIYE ee galbeedka London Ismaaciil Cabdilaahi Sanweyne, oo halkaasi ka hadlay ayaa inay hiil iyo hoobaa la garab taagan yihiin xisbiga KULMIYE. Waxaanay ka digeen in shacbiga Somaliland aanay dooran xisbiga UDUB, oo ay ku
|