|
Taageerayaal Tiro Badan Oo Ka Soo Jeeda Degmada Gacan-libaax Oo Ku Biiray Xisbiga UCID. |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Monday, 21 June 2010 |
|
Hargeysa (WIJA):- Xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa maanta si weyn u soo dhaweeyey Taageerayaal aad u tiro badan oo ka soo jeeda degmada Gacan-libaax [Habar-yoonis], ayaa shaaca ka qaaday inay taageradoodii si rasmi ah ugu soo biiriyeen xisbiga UCID.
Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey taageerayaashaas oo lagu qabty Hotel International ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha xisbiga UCID ah-na musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga UCID Saleebaan Daahir Dogox, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buudaa, Gudoomiyaha London Mustafe Kenedi, Madaxda iyo Tageerayaasha ku soo biiray xisbiga UCID.
Gudoomiyaha xisbiga UCID ah-na musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahad-celiyey taageerayaasha ka soo jeeda degmada Gacan-libaax ee sida xil-kasnimada ah u go’aansaday inay codkooda iyo taageradooda-ba siyaan xisbiga UCID.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Dadkiina xafladan ka soo qayb-galay si weyn ayaan idiinku mahad-celinayaa. Waxaana aan jeclahay in 26-ka bisha June, waxaa soo bixi doonta in la is yidhaahdo codka booba oo iibsada, oo muraaqibiinta la isku deyi doono in la iibsado oo lacagtii yar yarayd ay soo bixi doonto. Waxa aan idin leeyahay ka qaata waa lacagtiiniiye, oo mustaqbalkiina ha iibsanina ee UCID u codeeya.”
Waxa uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Waxa weeye, haddii aad codkaaga iibsato hadhaw qofka aad dooratay ma qaannabni kartid oo lama xisaabtami kartid, oo waxa uu ku odhanayaa ‘sow tii aad codka iga iibsay maaha.’ Kaasina Kiishka ayuu idinka buuxsanayaa oo wax-ba idiin tari maayo, oo qabyaaladi meel idin gaynmayso ee mustaqbal ayaad u baahan tahiin. Qof kastaana waxa uu doonayaa inuu gacantiisa ku ciil-baxo oo uu ku dhergo, inuu guri dhisto, in caruurtiisu mustaq wanaagsan hesho, sidaana waxa aad ku helaysaan inaynu Qaranimo buuxda helno.”
Gudoomiyuhu waxa uu tilmaamay in xisbiyada UCID ay ka go’antahay in waddanka laga hirgeliyo shareecad Islaamka munazalka ah, si loo helo caddaalada iyo horumar, isla markaana waxa uu ifiimiyey inay xisbi ahaan ka go’an tahay in waddanka laga hirgeliyo isbedel dhab ah oo dhinac kasta taabanaya, isaga oo u soo jeediyey guud ahaan shacab-weynaha Somaliland inay codkooda siiyaan xisbiga UCID.
Waxa isugna halkaas ka hadlay Caaqil Axmed Cismaan, waxa hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Walaaloyaal waxa uu ilaahay maanta ina siiyey oo uu inoo soo saaray, oo uu xidig inooga dhigay oo aan kalsooni badan ku qabo, waa musharaxeena Madaxweynaha ee Faysal Cali Waraabe, oo shareecada Islaamka inagu dhaqi doona, oo aan ilaahay uga rajaynayno inuu inagu guuleeyo. Inagana waxa inala gudboon inaynu codkeena ku aarsano, oo aanu ku soo saarno xisbiga UCID ee inoo ballan-qaaday inuu Kitaabka Ilaahay inagu xukumo.”
Caaqilku waxa uu sheegay in beesha uu ka soo jeedo ee Habar-yoonis ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay xisbiga Caddaalada iyo daryeelka ee UCID, isla markaana ay taageeradooda iyo codkoobana siinayaan, si uu ugu guulaysto doorashada madaxtooyada ee 26-ka bishan June waddanka dhici doonta.
Waxa isuna halkaas kelmedo kooban ka soo jeediyey Gudoomiyaha xisbiga UCID ee UK Mustafe Kenedi, oo tilmaamay in dhibaatada iyo dib-u-dhacyada faraha badan ee Somaliland ka jirta inaga lagaga bixi karayo iyada oo codka la siiyo xisbiga UCID, oo uu ku sheegay ka keliya ee waddanka isdedel wax-ku-ool ah ka abuuri karaya
|