|
Madaxweyne Rayaale Oo Markii Ugu Horaysay Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Sheegayna In Uu Xilka Ku |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Saturday, 03 July 2010 |
|
Hargeysa (wija) Madaxweynaha somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta markii ugu horaysay hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee ay yeelan doonto jamhuuriyadda somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Madaxweyne rayaale ayaa sheegay in doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday ay ahayd ciyaar saaxiibtinimo isla markaana aanay noqon doonin cadaawad.
Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta u waramayay laanta afka Soomaaliga ee Bbc-da ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in haddii uu alle yidhaahdo uu xilka si xarago leh ugu wareejin doono madaxweynaha cusub ee somaliland.
Daahir Rayaale Kaahin, oo ah Madaxweynaha Somaliland, wuxuu ahaa murashaxa xisbiga UDUB oo hadda noqonaya mucaarad.
Hore ayuu Madaxweynuhu u ballan qaaday in uu doonayo in uu magac uga tago Somaliland oo uu xilka si qurxoon u wareejiyo haddii laga guuleysto.
Xaaji Cabdi Xuseen oo ka mid ah odayada caanka ah ee Somaliyeed, ayaa xalay ugu baaqay Madaxweynaha in uu sidii Adan Cabdulle Cusmaan si sharaf xilka u wareejiyo.
Daahir Rayaale, waa Madaxweynihii u horreeyay ee Somaliland u qabta doorasho Madaxweyne.
Laba jeer ayuu qabtay oo marna uu guuleystay, marna laga guuleystay.
Labada jeerba waxay tartameen Madaxweynaha hadda la doortay, Axmed Maxamed Silaanyo.
Haddana, rayaale wuxuu noqon doonaa, Madaxweynihii ugu horreeyay Somaliland ee xilka doorasho shacabku codka bixiyay lagaga adkaaday ee markaa xilka si nabad ah ku wareejiyay.
|