|
Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo Ka Hadlay Xukuumada Uu Soo Dhisi Doono |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Saturday, 03 July 2010 |
|
Hargeysa (WIJA Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad kooban oo tayo leh, oo ka shaqeysa horumarinta dalka.
“Waxaan ilaahay uga mahad celinayaa Ummadayda Somaliland ee kalsoonida I siisay ee ii doortay Madaxweynaha Somaliland waxaan dareemayaa in Ummadaydu xil weyn I saartay waxaan Ilaahay ka baryayaa in xilka iyo waajibaadka I saaran ilaahay igu guuleeyo. Waxaan rajaynayaa in waxa dadku igu doorteen ee ay iigu codeeyeen in ilaahay ila qabto oo aanu guul ka gaadhno mustqabalka Somaliland,”ayuu yidhi Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo maanta u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee Idaacada VOA-da. Waxaanu intaasi ku daray “Xisbiga KULMIYE barnaamij aad u wanaagsan oo dadka qanciyayna wuu dhigtay, dadkuna wuxuu ku xisaabtamaa dadka axsaabta ku jirta taariikhdooda iyo miisaankooda markaa waan filayaa Anigu muddo badan ayaan siyaasada ku soo jiray Halgankii dalkan lagu xoreeyayna mudadii ugu dheerayd ayaan Hoggaaminayay intii dambena siyaasada ayaan ku jiray, markaa waxaan ilaahay ka baryayaa in kalsoonida shacbi ii muujiyeen inuu igu guuleeyo, oo wixii aan u balan qaaday iyo Himilooyinka ay ummaddu higsanayso ilaahay inoo fuddeeyo.”
Madaxweynaha cusub oo la weydiiyay waxyaabaha ay dawladiisu qaban doonto iyo siday noqon doonto wuxuu yidhi “Horta kollayba waxay noqon doontaa Maamul wax qabad leh oo ah dad karti leh oo wax qabta oo aan ahayn iska buuxi. Wuxuu noqon doonaa maamul shaqeynaya waxaanu wax ka qaban doonaa Cadaalada Tacliinta, dhaqaalaha, Isgaadhsiinta iyo Wadooyinka iyo baahiyaha kale ee dalka ee aasaasiga ahba.”
Madaxweynaha cusub Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta duhurkii la hadlayay dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa wuxuu yidhi “Waxaan mahad balaadhan aan u jeedinayaa shacbiweynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, intii i dooratay iyo intii aan idooranba mahad balaadhan ayaan u celinayaa. Waxaan Anigu maanta Madaxweyne u wada ahay Ummadda reer Somaliland oo dhan, waxaanan balan qaaday inaan si cadaalad iyo sinaan ah oo walaaltinimo ku jirto aan ugu shaqeeyo.”
“Waxa kale oo aan u mahad celinayaa Murashaxiintii kale ee ila tartantay Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Faysal Cali Waraabe iyana sharafta iyo qiimaha ay mudan yihiin aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa waxaan leeyahay ilaahay ha inaga dhigo kuwii guulaysta ee dalkooda iyo dadkoodaba horumar gaadhsiiya,”ayuu yidhi Madaxweynaha cusubi waxaanu aad ugu mahad celiyay Komishanka doorashooyinka qaranka waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan aad iyo aad ugu mahad naqayaa oo aan la ilaawi karin hawshii Komishanka doorashooyinka qaranku uu qabtay, dhalinyaradii ka shaqaynaysay doorashooyinka iyo ciidamada qalabka sida oo mahad naq iyo bogaadin aad u balaadhan iga mudan.”
Dhinaca kale, Madaxweyne Ku Xigeenka cusub ee Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isaguna u mahad celiyay dadweynaha Somaliland ee soo doortay waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay ilaahay ayaa mahad leh waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa shacbiga Somaliland ee u coddeeyay isbedelka ee sida wadaniyada iyo nabadgelyada ahayd codkoodii u dhiibtay. Waxaan ummadda reer Somaliland u balan qaadaynaa inaanu waxyaabihii aanu ka balan qaadnay u fulin doono.”
Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu sheegay inay wax badan isku hawli doonaan sidii ay qadiyada Somaliland caalamka uga iib geyn lahaayeen.
|