WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Faysal Cali Waraabe Oo Muddo 24 Saacadood Gudahood Ah Hambalyaddii Labaad Gaadhsiiyay Madaxweynaha C PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Saturday, 03 July 2010
Hargeysa (WIJA) – Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen ayaa maanta markii labaad muddo 24 saacadood ah hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aqlabiyad ku guulaystay dhamaanba codadkii dhawaan laga dhiibtay doorashada madaxtooyada. Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa ilaahay uga baryay madaxweynaha cusub xilkan culus ee tunka u ritay, waxaanu tilmaamay in doorashadan qabsoomideeda ay gacan weyn ku lahaayeen komishanka doorashooyinka qaranka, shacabka reer Somaliland iyo waliba xisbiyada saddexda ah ee dalka ka jira. Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta khadka Telefoonka ugu waramayay Radio Hargeysa, waxaanu shacabka kula dardaarmay in ay ilaaliyaan nabadgalyada iyo waliba hambsami u socodka dimuqraadiyada curdinka ah ee hada uu ka hano qaaday dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu kula dardaamay madaxweynaha cusub in uu xilkiisa u guto sida ugu fiican, ilaahayna waxa uu uga baryay in uu ku asturo xilkan. Si kastaba ha ahaatee hambalyadan uu guddoomiyaha xisbiga UCID u soo jeediyay Murashaxii xisbiga Kulmiye Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isagu cod aqlabiyad ah ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday, waxaanay tani noqonaysaa tii labaad taas oo ay ka horeysay mar uu shalay gurigiisa ku booqday tilmaamayna in uu u socday bogaadinka xilka cusub ee uu ilaahay ku guuleeyay.
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 12 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!