WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Kulan Qasriga Madaxtooyada Ku Dhex Maray Madaxweynaha Cusub Iyo Madaxweynaha Xilka Ka Sii Degaya. PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Sunday, 04 July 2010
Hargeysa(WIJA)Madaxweyneha la doortay Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo) ayaa maanta markii ugu horeysay booqasho ugu tagay madaxweyneha hada xilka ka sii degaya Mud. Daahir Rayaale Kaahin. Booqashadan oo sida ay wararku sheegayaan qaadatay muddo kooban ayay labada hogaamiye salaam ka dib kaga wada hadleen xaalada uu dalku ku sugan yahay iyo sida ugu fiican ee lagaga bixi karo. Waxa kale oo ay wararku intaa ku darayaan in Madaxweyne siilaaanyo iyo madaxweyneha hada xilka ka sii dagaya Mud. Daahir Rayaale Kaahin ay ka wada hadleen arrimo iyaga gaar u ah. Kulankan oo ahaa mid aanay cidi ku wehelinaynayn ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay wada yeeshaan labadan masuul. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ujeedada kulanka Madaxweynaha cusub iyo madaweynaha hada xilka ka sii degaya, balse waxa loo badinayaa in uu ku saabsan yahay sidii ay xukuumada ay hada taladeedu dhamaatay xil isaga saari lahayd hantida qaranku uu leeyahay. Si kastaba ha ahaatee kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay Madaxweynaha cusub Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo iyo Madaxweynaha hada xilka sida ku meel gaadhka ah u hayaa ay isku soo hor fadhiistaan.
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 5 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!