WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Gaboodka Nagaad Oo Hambalyo U Diray Madaxweynii hore Iyo Ku Xigeenkiisa, Xukuumada Cusubna U Baaqay PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Sunday, 04 July 2010
Hargeysa (WIJA) Gaboodka ay ku bahoobeen haweenka reer Somaliland ee marka magacooda la soo gaabiyo loogu yeedho NAGAAD ayaa markii ugu horeysay hambalyo u diray madaxweynaha hada xilka ka sii degaya Mud. Daahir Rayaale Kaahin, ku xigeenkiisa axmed Yuusuf Yaasiin, komishanka doorashooyinka, shacabka reer Somaliland iyo ciidamada qaranka. Waxa kale oo ay xukuumada cusub ilaahay uga baryeen in uu xilka u fududeeyo isla markaana ay hoos u eegaan xuquuqda ay tirsanayaan haweenku. Sidaasna waxa ay ku sheegeen warsaxaafadeed ay ka soo saareen magaalada Hargeysa kaas oo ay ku saxeexnay agaasimaha Fullinta Aamina Maxamuud Warsame, waxaanu u dhignaa sidan isaga oo dhamaystiran Gaboodka Ururada ee Nagaad oo ay ku bahoobeen 46 urur haween oo ku baahsan dhamaanba gobollada dalka Somaliland, shaqaynayayna muddo 13 sano ah ayaa waxa uu halkan ka tabinayaa hambalyo iyo duco waxaanu raacinaynaa erayo badheedhe ah oo ay haweenku leeyihiin. Ugu horeyn mahad balaadhan waxaa leh ilaaha innagu ilhaamiyay inaan qabsano doorasho xor iyo xalaal ah, si nabadgalyo ahna inoogu riday. Marka xigta waxa ay nagaad hambalyo iyo u soo jeedinaysaa shacabka reer Somaliland ee sida milgaha leh danta guud u dabaqay, codkoodana ku kala bedelay hogaanka dalka, ogaadayna in ay iyagu yihiin kuwa leh go’aanka ugu dambeeya ee arrimaha qaranka. Waxaa kale oo aan hambalyo gaar ah u diraynaa komishanka doorashooyinka qaranka oo si buuxda u gutay xilkii loo igmaday ee xaasaasiga ahaa, kuna shaqeeyay daacadnimo, wadaninimo, geesinimo, karti iyo aqoon. Sidoo kale waxaa lama ilaawaan ah hambalyona mudan barbaarta jaamacadaha ee xilka qaran qaaday sida hufana uga qayb galay shaqada komishanka doorashooyinka qaranka. Waxa kale aan la ilaawi Karin bogaadina leh kaalinta ay qaateen xubnihii isugu jiray goob joogayaasha caalamiga ah iyo kuwii maxaliga ahaa iyo xubnihii loo xilsaaray xalinta khilaafaadka kana hawlgalay shaqadii kaadh bedelka iyo goobaha codbixinta. Waxa aanu iyagana hambalyo iyo bogaadin aanu u diraynaa ciidamada sida booliska iyo Milatariga labadaba ee dhinaca nabadgalyada ka ilaalinayay, komishanka doorashooyinka qarankana kala hawlgalayay goobaha codbixinta. Markaan u gudubno hogaanka dalka ee kala wareegay: waxaan bogaadin u diraynaa hogaankii hore ee dalka oo suurtogeliyay hanashada iyo geedi socodka dimuqraadiyada dalka qabsoomida doorashooyinka dalka ka dhacay, taas oo ay ku amaanan yihiin taariikhdana ku galeen mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah labadii hogaamiye ee talada dalka hore u hayay, ahna hogaanka UDUB iyo sidii lexejeclada qaran ahayd ee ay ku aqbaleen natiijadii doorashada. Waxa aanu kale oo aanu hambalyo iyo bogaadin aanu u diraynaa xisbiga UCID iyo hogaankooda, kuwaas oo si xarago u tartamay, si sharaf lehna ugu haneeyay hogaanka cusub. Gabogabadii waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa hogaanka cusub ee dalka loo doortay Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Mud. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu leenahay hambalyo, guushii aad ku qaadeen ee la idinku doortay talada dalka, waxaanan ugu daraynaa duco anaga oo leh ilaahay ha idinku asturo xilkaas balaadhan ee aad qaadeen Intaas ka dib waxa naga xasuusin ah in haweenka dalku ay yihiin dadka codkooda idinsiiyay kuwa ugu badan bulshada, dhaqaale iyo siyaasadba, haween waynaha Somaliland waxa ay idinka filayaan in aad tixgelin doontaan wax ka qabashada duruufaha u gaar ah waxaana ka mid ah ka qayb galka talada dalka, maamulka dalkooda iyo dalkoodaba oo aynu ognahay halka ay ka joogaan. Waxaanu ku boorinaynaa hogaanka cusub in ay si cilmiyaysan hoos ugu eegaan arrimaha haweenku ay tabanayaan si hagar la’aan ahna waxa uga bedelaan kaalinta haweenka ee dhinac walba. Ugu danbayntii Nagaad waxay beesha caalamka u soo jeedinaysaa in Somaliland lagu tixgeliyo hanashada dimuqraadiyada.
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 7 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!