WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
Dagaalkii Waji-ku Macaashka Oo Dhamaaday...Faalladii Weriye Cumar Maxamed Faarax PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Sunday, 04 July 2010
Dadka oo lagu bah-dilo afkaartooda laguna shaambadeeyo asxaabta mucaaridka ah, si looga hor istaago xuquuqdiisa aasaasiga ah, waxay ahayd halbeegga dhaqan siyaasadkii xukuumadii Madaxweyne Rayaale ee siddeedii sannadood ee la soo dhaafay ka talinaysay Somaliland. “Hebel waa mucaarid waayo reerkooda ayaa u badan xisbiyada mucaaridka ah, annaga ayuu nala jiri doonaa ama shaqada ayaanu dibada ka dhigi doonaa,” sidaa waxaa ku tiraabay mid ka mid ah Wasiiradii xukuumadii Rayaale oo si cadho leh ula hadlayay mid ka mid ah shaqaalihii Wasaaradiisa oo uu ku tuhmayay in uu taageero xisbiyada mucaaridka ah. Tiraabta wasiirkaasi waa qodob xasaasi ah oo ka mid ah waxyaabihii la daadegay maamulkii hore, oo daryeelka xuquuqda shaqaalaha gabno ka ahaa. kooxo la soo abaabulo oo mucaaridka eedo iyo xajiimo siyaasadeed u mariya warbaahinta waxay ahayd mid ka mid ah khiyaamooyinka indho sarcaadka ahaa ee Madaxweyne Rayaale ay u metali jireen xubnaha Golihii xukuumadiisa. Cali waa 53 jir xirfad sare u lahaa inuu soo agaasimo shirarka iyo kulmada indheergaradka dalku ay ugu magac dareen “ Waji ku macaashka” wuxuu maalin gudaheed ku soo abaabuli jiray dad maxas iyo makas isugu jira oo uu u soo laqimi jiray erayo macruuf noqday oo bulshada lagu marin habaabin jiray, sawir fool xuna lagaga bixin jiray siyaasada mucaaridka. “Waxaanu ka baxnay xisbiga Kulmiye oo aanu u aragno inuu xaalad abuur yahay oo uu carqaladeynayo nabadgelyada dalka; waxaanu ku biirnay xisbiga UDUB, xisbiga Kulmiye wuxuu doonayaa Soomaali weyn,” ereyadaasi ayaa ahaa kuwa ay xukuumada Somaliland ku bixin jirtay qadar lacageed aad u badan oo ka mid ah miisaaniyad sanadeedka qaranka. Waxaanay arrintaasi ahayd sduuq xaami ah xilliyada ay soo dhawaato doorashadu. Qorshahani wuxuu noqday saamayn taban oo fool xumo ku ah hanaanka dimuqraadiyada Somaliland qaadatay, xirfadleyaasha waji ku macaashka oo aan libiqsan jirini waxay balaadhiyeen suuqoodii, waxaanay xilliyadii dambe hawshoodii gaadhsiiyeen in ay adeegsadaan Salaadiinta iyo Cuqaasha dalka qaarkood. Xukuumadan cusub ee Somaliland ayaa laga naawileyaa inay meesha ka saaraan dhaqan dilka kooxaha waji ku macaashka ah lid ku ah iraadada shacbiga Somaliland. Waxa kale oo madaxweynaha afraad ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u taala inuu dib u qaabeeyo dhismaha iyo xilgudashada hay’ada sirdoonka Somaliland, oo ah Hay’ad waajibaad qaran haysa, oo ku guuldaraysatay ka midho dhalinta hawshooda ka dib markii si khaldan loo isticmaalay awoodii Hay’adaasi oo uu hoggaankoodu ku jiheeyey culayska hawl maalmoodkooda inay dhego dhegeeyaan siyaasiyiinta xisbiyada mucaaridka ah, halkii ay ka hortagi lahaayeen falalka argagixiso iyo qorsheyaasha cadowga Somaliland. Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxa xukuumadan u taala inay suuliso facaa’il badan oo dad badan loo fahamsiiyay wax sax ah.
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 6 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!