WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
Muwaadin Madaxweyneha Xilka Ka Sii Degaya Iyo Ku Xigeenkiisa Ku Eedeeyay In Ay Ka Hor Istaageen Iska PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Tuesday, 06 July 2010
Hargeysa (WIJA) Oday Muuse Dugsiiye Obsiiye oo ka mid shacabka reer Somaliland ayaa maanta madaxweyneha hada xilka ka sii degaya Daahir rayaale kaahin iyo ku xigeenkiisa axmed Yuusuf Yaasiin, ku eedeeyay in ay ilaa hada haystaan iskaraab dhan aduun gaadhaya 22,325 oo dollar. Mr. Obsiiye ayaa tilmaamay in iskaraabkan oo ay ciidamada boolisku hore ugu qabteen ay maxakamadu u xukuntay isla markaana uu xukunkaasi dhaafi waayay xarunta dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyada halkaas oo ay ka socon weyday madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta warbaahinta ugu waramayay huteel Emperial ee Magaalada Hargeysa waxaanu intaasi ku daray in xukunkii labaad ee ay maxakamadu ridaa ay dusha u saartay madaxweyne ku xigeenka isla markaana aan ilaa hada laga hayn wax jawaab ah. Waxa uu ku baaqay in ay xukuumada hada xilka ka sii dagaysaa in ay xil weyn iska saarto sidii ay dib ugu soo celin lahayd xoolihii iyo dhaqaalihii kaga baxay. Si kastaba ha ahaatee dhawaaqan cabashada ah ee ka soo yeedhay Oday Muuse Dugsiiye Obsiiye ayaa noqonaya ilaa shalay kii labaad, waxaana ka horeysay cabasho ay shalay banaanka hore ee madaxtooyada shalay ka horsameeyeen agoomihii iyo naafadii dagaalkii dib u xoreynta SNM, kuwaas oo Sheegay in aanay in muddo ah helin mushahaar iyo raashin toona.
 
< Prev   Next >

Who's Online
Polls
 
Design by Somaliland Software!