|
Shariifka Somaliya Oo Muusanaw Kula Dhex Dhacay IGAD, Qirtayna In Aanu Awood U Lahayn Iska Caabinta |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Tuesday, 06 July 2010 |
|
Addis Ababa (WIJA):- Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay isagoo ay ka muuqato Il-fulaynimo uu si rasmiya shir ballaadhan kaga dhex dhawaaqay in lagaga adkaaday dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.
Sheekh Shariif ayaa hadalkan ka jeediyey kulan aan caadi ahayn oo sida deg-dega ay isugu yimaadeen dawladaha ku bahoobay IGAD, kaasoo ka dhacay caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Malas Zenawi ayaa waxaa uu gundhiggiisu ahaa sidii looga hortagi lahaa xoogagga Somaliya ka dagaalama oo ay badatay cabsida laga qabo inay weeraraan dalaka la ah Somaliya.
Shariifka oo qiraya inaanay iska celin karayn xoogaga kasoo horjeeda ayaa waxa uu yidhi “Ciidamada dawlada oo kaliya kuma filna in ay ka hortagaan weerarada kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay talada dalka la wareegaan, waana in beesha caalamka gacan ka geysato sidii looga hortagi lahaa khatarta kooxahan ee ku soo fool leh Soomaaliya”
Madaxweynuhu wuxuu ka dhawaajiyey dhibta ka haysata weeraro culus oo uu sheegay inay kaga imanayaan xoogagga kasoo horjeeda ee Al-Shabaab, Isagoo intaasi raaciyey in kooxdani ay xidhiidh la leeyihiin Shabakadda Al-qaacida oo uu gadh-wadeen ka yahay ninka sida wayn reer galbeedku u raadcaynayaan ee Usaama Bin Laden.
Kagadaal madaxweynuhu markuu ka sheekeeyey dhibta haysata iyo Awood daridooda ayaa waxa uu beesha caalamka u diray Baaq waxaanu yidhi ““Waxaan Beesha caalamka ka codsaneynaa taageero deg deg ah si aan uga hortagno kooxaha argagixisada ee doonaya inay qabsadaan dalka, kuwaasi oo soo adeegsaday ajaaniib dembiilayaal ah”
Kulankan oo shalay galab lasoo gebo-gabeeyey ayaa waxaa goob joog ka ahaa dalalka ay ka mid yihiin Kenya, Uganda, Somaliya, Djibouti Iyo Sudan. Iyado gunaanadkiina lagu gaadhay go’aamo Somaliya loogu soo dirayo ciidamo gaadhaya 20 Kun oo Askari oo ka kala socda Midawga Afrika iyo Qaramada midoobay.
|
|
Last Updated ( Tuesday, 06 July 2010 )
|