|
Maraykanka Oo Ka Hadlay Doorashadii Madaxtooyada ee Ka Dhacday Somaliland |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Wednesday, 07 July 2010 |
|
Dawlada Maraykanka ayaa soo dhawaysay oo bogaadisay Doorashadii Madaxtinimada Somaliland ee dhawaan dalka ka qabsoontay, waxaanay sheegeen inay Hambalyeynayaan Musharaxii ku guulaystay doorashada iyo Komishankii doorashooyinka qaranka.
Sidaasi waxa lagu sheegay War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Safaarada Ingiriisku ku leeyahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaanay xuseen in dawlada Maraykanku ay hambalyo u dirayso Komishankii doorashooyinka iyo Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee sida nabadgelyada ah dalka uga qabsoontay 26-kii Bishii June ee la soo dhaafay.
Warsaxaafadeedkaasi waxa kale oo lagu sheegay in sidii ay dadweynaha Somaliland ugu soo dareereen codbixintii doorashadu ay tus-maynayso sida shabcigaasi u doonayo inay gutaan xuquuqdooda.
Waxa Kale oo qoraalka ka soo baxay Safaarada Maraykanka ee Kenya lagu sheegay in doorashadii inteeda badan ay u dhacday si cadaalad ah oo xorna ahayd.waxaanay soo dhaweeyeen murashaxiintii doorashada laga helay sidii ay u aqbaleen natiijadii doorashada.
Goob joogeyaashii caalamiga ahaa ee kor jooogtada ka ahaa hanaankii ay u qabsoontay doorashadii madaxtooyadu ayaa hore u sheegay in doorashadani ay u qabsoontay si hufan oo xornimo leh.
|