|
Xisbiga UCID Oo Guddi Baadhiseed U Saaray Khaladadkii Xisbiga Gudihiisa Ka Dhacay Wakhtigii Ololaha |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Wednesday, 07 July 2010 |
|
Hargeysa(WIJA):-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta guddi ka kooban todoba xubnood soo xuley, kuwaas oo la sheegay inay soo baadhi-doonaan, kana soo tallo-bixin doona khaladaadkii Xisbiga guddihiisa ka dhex dhacay wakhtigii lagu guda jiray ololihii tartanka doorashada madaxweynanimada ee dalka ka dhacay 26 June 2010.
Guddidan oo uu gudoomiye u yahay Xasan Xuseen Maxamed Codyare, oo ah Afhayeenka Xisbiga UCID, waxaana ku xigeen ah Maxamed Ibraahin Adan,
Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Wararka ee Magaalada Hargeysa.
Waxaanu Warsaxafadeedku u dhignaa sidan:
“Ujeeddo: Magacaabis Guddi
Maanta oo taariikhdu tahay 6/07/2010 waxaa la magacaabay Guddida badhista iyo sixida oo ka kooban :-
No Name Title
1 Xasan Xuseen Maxamed Codyare Gudoomiye
2 Maxamed Ibraahin Adan Gudoomiye ku xigeen
3 Siciid Cumar Axmed Xoghahaye
4 Yusuf Maxamuud Guuleed Xubin
5 Xuseen Adan Cali (Asad)
Xubin
6 Khadiija Xaaji Ismaacil Baandare Xubin
7 Fadumo Cali Madar Xubin
Gudidaas oo hawshoodu tahay in ay baadhaan oo ka soo tala bixiyaan khaladaadkii dhacay Xisbiga Gudihiisa xiligii ololaha doorashadii madaxtooyada 26/06/2010.”
Dhinaca kale, Komiishanka doorashooyinka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay Shalay maxkamada sare u gudbiyeen natiijadii codbixinta doorashada madaxtooyada ee uu ku guulaystay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, isagoo xusay in Xisbiga dacwad qabaa uu tagi karo oo uu ka furan karo Maxkamada oo marka u dambaysay go’aanka Komishanka ansixinaysa, hase yeeshee Guddoomiyaha Komishanka waxa uu xusay in aanay wakhti xaadirkan Xisbi dacwad qaba amaba ku qanci waayey natiijadii ay ku dhawaaqeen
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka qaranka Ciise Yuusuf X. Maxamed (Ciise Xamari), ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii ay ugu suurto gashay hawshii balaadhnayd ee Doorashada Madaxtooyada, taas oo ay ku dhawaaqeen natiijadeedii, isla markaana ay ku qanceen labadii Xisbi ee ku guulaysan waayey aqlabiyada kalsoonida shacbiga Somaliland.
|