|
Raysal Wasaaraha Ingiiska Oo Sheegay Inay Danaynayaan Inaan Kooxaha Argagixisadu Saldhig Ku Yeelan S |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Wednesday, 07 July 2010 |
|
London (WIJA)- Raysal Wasaaraha dalka Britain, David Cameron, ayaa maanta soo dhaweeyay Doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday 26-kii Bishii June ee la soo dhaafay, waxaanu sheegay inay la shaqayn doonaan dawlada cusub.
Raysal Wasaaraha Ingiriisku wuxuu sidaasi ka sheegay fadhigii Maanta ee Baarlamaanka Dalkiisa waxaana Su’aal la xidhiidha dimuqraadiyada Somaliland weydiiay Mudane Alan Micheal oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Ingiriiska oo taageera qadiyada Somaliland, kaasi oo laga soo doorto Gobolka Cardif, waxaanu su’aashiisa uu u dhigay “Ma igu raacsan tahay inaan bogaadino Doorashooyinka xor iyo dimuqraadiyada u dhacay ee Somaliland, halkaasi oo labaatankii sanadood ee la soo dhaafay ay ka bidhaamaysay dimuqraadiyadda Afrika, ma ka dhabayn doontaan sidii dawladii hore inaad la xaashaan dawlada cusub ee Somaliland?.”
Raysal Wasaare David Camaroon, ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday Somaliland ay muhiimad weyn u leedahay, waxaanu tilmaamay inay tahay qeyb weyn oo caalamka ka mid ah kuna xidhan nabadgelyada dalkiisa.
Raysal Wasaaruhu wuxuu sheegay inay dawladiisu soo dhawaynayso doorashadii si nabadgelyada ah u qabsoontay ee meel marka ahayd, waxaanu carabaabay in Britain ay kharash ku bixisay sidii ay ula socon lahayd doorashadaas.
Raysal Wasaaruhu wuxuu sheegay inay danaynayaan in aanay wax uu ku tilmaamay Kooxaha Argagixisadu aanay Saldhig ku yeelan Somaliland, sida ay ugu leeyihiin dalka Somalia ee dagaalada wajiyada badani aafeeyeen ee Somaliland xornimadeedii dib ugala soo noqotay 19 sanadood ka hor.
|