|
Talooyin kooban Oon U Soo Jeedinayo Madaxweynaha Cusub Anoo Aaminsan Inaan Siilaanyo Waxba Seegi doo |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Friday, 09 July 2010 |
|
Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inuu Maxadweyne Siilaanyo ku guulaysto doorashadii 26-ka June ee dalka ka qabsoontay waxayna muujinaysaa inuu dadweynuhu aad uga baaraandagay sida u soo xolan lahaayeen hoggaamiyhii dalka lagu aamin lahaa.
iyagoo kala shaandhaynayay barnaamijyadii 3-da xisbi ku ololaynayeen iyagoo ku guulaystay inay codkoodii siiyaan ruug caddaaga siyaasigaa oo khibradda dheer u leh sida dal iyo dadba loo maamulo waxaana ka markhaatiya sida aqlabiyadda leh ee ay codkoodii u siiyeen Md. Axmed Maxamed Maxamuud( Siilaanyo) oo ah haatan madaweynaha dalka.
Haddaba haddaan taladayda ka dhiibto sidii Madaxweynaha cusub u maareyn lahaa talada dalka iyo sida uu u soo xulan lahaa ragga kala hawl galidoona maamulka dalka waxaan odhan lahaa:-
1- Inuu soo dhiso xukuumad kooban oo tayo leh laguna soo xusho xubnaha wasiirada aqoontooda, khibradooda, kartidooda, daacadnimadooda iyo sida ay ugu kala mudanyihiin wasaaradaha loo dhiibi doono.
2- Inuu Madaxweynuhu magaacaabo guddi khabiiraa oo ku xeel dheer dhaqaalo abuurka oo kala taliya sidii dalka gudihiisa dhaqaalo looga abuuri lahaa dawladdu ku hawlgasho dadkana wax loogu qabto. Waa in laga tusaale qaataa wadamada reer galbeedku sida ay canshuuraadka usoo ururiyaan oon qofna diidi karin halka mujtamaceenu aanu aaminsanayn in canshuurtooda wax loogu qabto oo ay diidan.
3- In uusan Madaxweynu ku degdegin kala baddalka shaqaalihii dawladdii isaga ka horreysay inta uu ka baaraan dagayo right man to the right place oo ah danta guud ee dalka lana abuuro shaqaale dalka u daacada oon musuq ku shaqayn lana kordhiyo saacadaha dawladda loo shaqeeyo.
4- In si weyn loola dagaalamo musuqmaasuqa kaasoo guud ahaanba aafeeyey dawlad wanaagii ummada, noqdayna waxa hortaagan in muwaadiniintu ku kalsoonaadaan dawlad kastoo dalka timaada.
5- In si wanaagsan loo tababaro shaqaalaha dawladda siiba kuwa qaabilsan ururinta canshuuraadka dalka iyo kuwa dawladaha hoose.
6- In la soo celiyo barnaamijkii iskaa wax u qabso oo ay dawladdu la kaashataa dadweynaha si loo dhiso iskuulada, wadooyinka, waxna looga qaban lahaa nadaafadda guud ee dalka oo meel xun mareysa dadkana lagu baraarujiyaa waxqabaka.
7- In daraasad xeel dheer Madaxweynuhu ku sameeyo sidii loo heli lahaa meelo ku filan oo ay dadweynuhu ku ganacsadaan isagoo talo qorshaysan ku eegaya baahida dhuleed ee dabooli karta meelaha loo raridoono suuqyada saxmadeeyey bartamaha caasimadda iyo kuwa gobollada ee Bacadlayaasha iyo kuwa iibiya qalabka dhismaha.
8- In uu Madaxwynuhu soo celiyo kala danbayntii ummada lagu yaqaanay ee ninka cilmiga lihi uusan dabo fadhiisan afmiishaarka beenaalaha ah een aqoonta u lahayn shaqada uu dalka u hayo ee qaarkood lagu gayn jiray reer hebel baan ahay oo ahaan jirtay CV-ga uu wato.
9- inuu Madaxweynuhu dadaal dheer u galo caalamkana ka dhaadhiciyo qaddiyadda Somaliland iyo sidii ay dawladdisa uga caawin lahaayeen baahida faraha badan ee dalka haysata sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada, wadooyinka, tababarka shaqaalaha, tacliinta heer jaamacadeed iyo qalabaynta xaafiisyada dawladda.
10- Inuu Madaxweynuhu kala saaro 3-da qaybood ee dawlad wanaagu ku dhisanyahy ee kala ah sharcidajinta, fulinta iyo garsoorka ee aysan isku milmin sidii dawladihii hore, oo ummada caddaalad baa deeqde la sugaa sinnaanta.
11- In dib loo eego dastuurka dalka lana turxaanbixiyo si loo helo sharcigii ummada kala hagi lahaa si uusan mar kale xaalku nooga naqon la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan iyo qodob dastuuriya oo mid kaloo dastuurihi ka soo horjeedo. Waa inay qodabada dastuurigaahi aysan iska hor imaan ee ay wada qeexaan mid waliba waxa uu ka hadlayo.
12- In la helo nidaan lagu diiwaangaliyo muwaadiniinta Somaliland lana xakameeyo fawdadii ka dhalatay diiwaangalintii 2008kii ee dadka qaarkiis qaateen dhawr kaadh oo sharciyan xaarana.
13- In la adkeeyo hirgalinta sharciga si meesha looga saaro musuqmaasuqa lana xaqiijiyo sinnaanta loo simanyahay adeega dawladda sharciguna ka sareeyo dadkoo dhan min madaxweyne ilaa qofka caadigaa.
14- In lagu dhaqmo shareecada islaamka lana tixgaliyo culumaa’udiinka meeshana laga saaro ku qabso ku qadi mayside iyo dhulboobka ka taagan dalkoo dhan lana banneeyo wadooyinka la iska dhexdagay.
15- In sida ugu dhaqsaha badan Madaxweynuhu fuliyo ballantuu u qaaday ciidamada qaranka Somaliland oo la siiyaa darajadoodii laga xasdiyay.
16- Si Madaxweynuhu u kasbado kalsoonida dadkii soo doortay waa inuu sida ugu dhaqsaha badan u furo wadada wadnaha Hargeysa habeen iyo maalinba lagana qaado madaxtooyada horteeda dhagxanta iyo kaabiyaha (isbaarooyinka) uu dhigtay madaxweynihii ka horreeyey!!!
Anoo aaminsan Madaxweyne Siilaanyo inuu iiga khibrad dheeryahy qodabada aan soo sheegoo dhan haddana waa nagu waajib inaan ka talo dhiidanno codsigiinii ahaa ” Maxaad talo u soo jeedinaysaa Madaxweynaha cusub” Ilaahna waxaan uga baryeynaa inuu Madaxweynuhu noqdo kii dalkiisa ka saari lahaa dhibtan weyn ee haysata ee kuwii isaga ka horreeyey ay ku fashilmeen uuna noqdo mid sida Nilsan Mandela loo xasuusandoon, ugana taga dalkiisa xadaarad cusub.
Wa Billahi Tawfiiq
Qalinkii: Shueib A. Yusuf/ Canada
|