WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Wacdarihii Jaamacada Hargeysa: Dar-daarankii Abwanaan Hadraawi, Codsigii Muuse Biixi, Shuruudi Faysa PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Friday, 09 July 2010
- Ardeyda Jaamacada Hargeysa [Hargeysa university] ayaa xaflad ay ku maamuusayeen, isla markaana ay ku weynaynayeen doorkii komiishanka doorasooyinku ka soo qaatay doorashadii Madaxweynanimada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 26 June 2010 ayaa caawa ku qabtay barxad-weyn oo ku taala Jaamacada Hargeysa. Munaasiban oo ay ka soo qeybgaleen Maamulka Jaamacada Hargeysa oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Xuseen Bulxan, qaar kamid ah macalimiinta, iyo boqolaal ka mid ah ardeyda Jaacamada, todobada Xubnood ee Komiishanka doorashooyinka oo uu horkacayo Guddoomiyaha Komiishanka Ciise Xamari, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cabdiraxman Cirro], Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye kuxigeenka kowaad Aadan Maxamed Mirre [Waqaf], Afhayeenka Xisbiga Xasan Xuseen, Xoghayaha Difaaca ee Xisbigaasi UCID Qabo, Gudoomiye kuxigeenka kowaad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame [Hadraawi] iyo marti sharaf kale. Waxa xafladaasi ka hadlay abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa ardayda jaamacadaha kula dar-daarmay inay bartaan dhaqanka ummadooda, waxaannu tilmaamo ka bixiyey asbaabaha keena xukuumadaha keli-taliska ah iyo dhibaatooyinka laga dhaxlo. “Ardayda waxaan leeyahay qof kastaa waxa uu jecelyahay in uu magac-yeesho oo uu muuqdo taasina waxay ku xidhan tahay laba shardi oo ay ka mid tahay aqoon iyo ammaano inaad u diyaar-garawdaan oo berrito xil baan doonaya wixii aan doonayayna sidi aan u gudan lahaa garan maayo, waydinkaa arkay xagay na dhigtay,”ayuu yidhi Hadraawi Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa loo baahan qof waxa uu doonayo aqoontii uu ku gudan lahaa garanaya dhaliilaha oo dhami nolosha waxay ka yimaadaan jahli, dabadeedna qofku jahligaas ayuu doonaya inuu wax ku meelmariyo, anigu cidkale ugama jeedee idinkaan idiin jeedaa, xilka ummaddana berri ka maalin idinkaa qaban doonaa, markaa si aynaan u kufin oo aynaan u kicin, idinkuna aan laydinku nicin laydinkuna caayin ummadduna aanay jaahwareer gelin.” “Ta labaadna waxaan leeyahay ummadda aad ka dhalateen waxa khasab ah inaad barataan ummadda aad ka dhalateen haddii aydaan garanayn waxa ay tahay iyo waxa ay gashay haddii aydaan garanayn inaad ku abtirsataan ama ka go’daan. Ummadda ma la doonayo in la miisaamo oo la qiimeeyo waxa loo baahan yahay dhaqankeeda, dhaqaalaheeda, taariikhdeeda, Diinteeda intaasina waa afarta tiir ee ay nolosha aasaasigu ay baahan tahay,” ayuu yidhi abwaan Hadraawi. Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Xuseen Bulxan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu ku faano inay ardeydii Jaamacada Hargeysa ay guul-weyn ka soo hooyeen doorashadii madaxweynanimada ee dalka ka dhacday 26 June 2010, isla markaana ay kaalintoodi ka ay ku lahaayeen
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 12 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!