WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Duuliye Asli Xasan Cabaade (Calansida) Oo Hambalyo U Soo Dirtay Madaxweynaha Cusub, Kuxigeenkiisa PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Friday, 09 July 2010
Duuliye Asli Xasan Cabaade (Asli-Calansida) ayaa dhambaal hambalyo ah oo ay nasoo gaadhsiisay ugu hambalyeysay Madaxweynaha cusub Md Siilaanyo iyo Kuxgeenkiisa Md Zeylici iyo waliba Shicibka Reer Somaliland oo dhan, Waxaanay intaasi raacisay waxoogaa hawraar ah oo ay kula dardaarmayso Madaxweynaha, hadaba Dhambaalkii ay Aslicalansida nasoo gaadhsiisay ayaa isagoo sawirkii madaxweyanah iyo calankii somalilandba ku lifaaqnaa uu u dhignaa sidan: DUULIYE ASLI XASAN CABAADE CALANSIDA OO U HAMBALYEYNEYSA MADAXWAYNAHA CUSUB EE (SOMALILAND) MUDANE AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) MUDAXWAYNAHA CUSUB EE (SOMALILAND) MUDANE AHMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) Hambalyo * Hambalyo * Hambalyo Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca Ummadda Soomaaliyeed ee Nabadda iyo horumarka jecel, ayaa waxaannu halkan uga soo wada hambalyeyneynaa Madaxwaynaha cusub ee (Somaliland) Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo dhammaan shacabka reer (Somaliland) meelkasta oo ay kala joogaanba. Waxaa kaloon ugu soo hambalyeynayaa dhammaan shacacbka reer (Somaliland), sidii wanaagsaneyd ee sharafta badneyd ee ay codkoodii ugu dhiibanayeen intii ay doorashadu socotay, kaddibna ku doorteen Mudane Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Waxaannu leennahay, Ilaahay s.w.t. hakula garab galo xilka culus ee aad u qaadday Ummadda reer (Somaliland), iyo (Diintaada, Dadkaaga iyo Dalkaagaba), annagoo og inaad tahay Mas´uul aad u Culus oo aad iyo aadna u xilkasnimo dheer, Mabruuk ayaannu ku leennahay Mudane. ------------------------------------------------------------ Dadaalbaad ugu jirtay, Dadkaaga iyo Dalkaagaba e Daalna kaama muuqan, danta guudna kamaadan duur galine Dulqaad baad muujisay, iyo dabci aad u wanaagsane Damiir baad leedahay, iyo dareen aad u wayne Daliilna waxaa kuu noqon, shacabkii ku doortaye Daacad u ahaw Dalkaaga, Jannadaad dur-duuranne Inshaa´ Allaahu, aamiin. Wa Billaahi Tawfiiq This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it ama This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
 
< Prev   Next >

Who's Online
Polls
 
Design by Somaliland Software!