WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Wednesday, 08 September 2010
 
 
Tartankii Gabayada Nabadda ee abwaanada Dhalinyarada ah ee Gobolada Dalka oo xalay lagu kala baxay, PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Friday, 09 July 2010
Burco: (WIJA) Tartanka Gabayada Nabada ee dhalinyarada somaliland ayaa si toosa uga bilaabmy Gobolka Togdheer, waxaana habeenkii xalay kahoreeyey lagu soo bandhigay Hoolka weyn ee Hotel Barwaqo ee magaalada Burco, dhalinyarada suugaanyahanada ah ama abwaanada aha oo iyagu soo bandhigay suugaan iyo gabayo aad u cajib ah, isla markaasna dhammaantod ka hadlaya Nabada, dhalintaasi abwaanada da’yarta ah ayaa dhammaan ahaa dhalinyaradii Gobolkani Togdheer. Hadaba madal bay ahayd ay fadhiyeen abwaanadii ugu da’da yaraa Gobolka isla markaasna ay wacdaro ka dhigeen waxaana abwaanadaasi soo bandhigay Gabayada ka mid ahaa Axmed cali Ubaxle,C/nuur cawil xashi, Nafisa ciise x.yusuf iyo abwaanno da’ayar ah oo kale. Abwaanadaasii oo ku tartamayey Gabayo ay kaga hadlayeen Nabadda waxana lagu kala saarayey midhaha ay adeegsanayeen, hab dhaca iyo hawraarta hadlka iyo ujeedooyinka ay adeegsanayeen. Abwaanada kala saarayey Da’yartan oo kala ahaa Axmed awGeedi, Hurre Walanwal Iyo saleban Bashe ayaa dhammaantood ku boorinayey Da’yarta inaanay isu qaadan Rikoodh jebis ee ay weli halkaa ka sii wadaan Gabayada ay sameeyeena ay yihiin kuwo qiimo weyn leh. Waxa dhalintii Gobolka ee habeenkaasi kaalinta 1aad u galay C/nuur Cawil xaashi oo isagu utartami doona Gobolka Togdheer Tartanka Gobolada ee Gabayada Nabadda. Hadaba waxa habeenkii xalay ahaa Barxadda u sarraysa ee Hotel Barwaaqo lagu qabtay Tartankii Gabayada ee Gobolada Somaliland, waxaana tartaankaasi galay Dhammaanba 6da Gobol ee Dalka marka laga reebo Gobolka Sool oo la sheegay inu ka soo daahay Tartanka, hadaba 5ta Gobol ee kale ee abwanadoodu madasha fadhiyeen ayaa kalaa Ahaa Hargaysa, Saaxil, Sanaag, Togdheer iyo Awdal. Madal aad loo soo agaasimay si weynna loo soo camiray kuna sugnaayeen Qurbajoog Tiro badani sacab baddana uu ka dhacayey si weynna loo dhuuxayey Gabayada madasha ka socda ayay ahayd. Agaasimka Munaasibaddan oo uu laha Naadiga Akhristayaasha Halkaaran Readers Club, Ururka SOYVO, iyo Horn Peace, waxaana sidoo kale maalgelinaysay Hay’adda Nabadda ee Horn Peace for Demecracy Org. Hadaba munasibadda oo ku bilaabantay jawi degen ayaa isu bedeshay jawi xamaasadaysan markii ay bilaabmeen suugaantii abwaanadu, waxaana dhammaan ba abwaanada tartamayey uu mid walba soo bandhigay wixii uu tartankaa caawa kaga qaybqaadan lahaa, iyadoo laxano badanna ay lahaayeen gabayadii sida Togga uga soo burqanayey abwaanada yaryar. Markii Gabayadooda iyo kelmadaha ay madasha ka jeedinayeen abwaanadu ay dhammaadeen waxa garsoorayaashii u kal gar qaadayey abwaanada loolanka suugaaneed dhex maray ay bannaanka uga baxeen munaasibadda iyago meel gaar ku soo kala qiimaynayey, kadibna waxa lagu dhawaqay Natiijadii oo ay ku wada qanceen 5ta Gobol ba. Munasibadda aya dhex taal looga dhigayey inta garsoorayaashu bannaanka ku maqanyhiin bakhtiyaanasiib ay Martida madasha fadhida ku helayeen cajalado CD ah oo ay ku duubnaayeen Tartanadii Suugaanta Gobolada iyo kuwii Burco ee Sanaddadii hore. Ugu danbayntii waxa madasha shahaadoyin lagu Guddoonsiiyey Abwaanadii ka qaybqaatay Tartanka ee weliba Guulaystay, isla markaasna kala galay kaalmaha 1aad,2aad iyo 3.aad. Waxa Tartankii Gobolada ee abwaanada Da’yarta ahi ku soo bandhigayeen Suugaanta ka hadlaysa NABADDA kaalinta 1aad Galay Gobolka SAAXIL, Kaalinta 2-aadna Gobolka AWDAL, halka Kaalinta 3aad uu ka galay Gobolka Togdheer, iyadoo qaabka Natiijada loo yeedhiyey uu ahaa qaab farasamaysan oo laga soo shaqeeyey isla markaasna markii 1aadba la yeedhiyey abwaanka kaalinta 3aad galay ee tartanka uga qaybqaadanayey Gobolka Togdheer, waxaana markii la yeedhiyey magaca ab waankaasi dhammaan dadkii meesha fadhiyey oo u badnaa Reer Togdheer ay markiiba kor u wada kaceen isla markaasna isku dareen sacab mushxarad. Waxa munaasibadda Soo xidhay Aasiya Maxamed C/laahi oo ka mid Qurbajooga Da’yarta ah ee Somaliland, Abwaan Axmed Aw-geedi iyo weliba Abwaan Hurre walanwal. Isku soo wada Duuboo wa markii u horaysay ee Gobolka Togdheer Nasiib u yeesho in lagu qabto Tartanka Gabayada abwaanada Da’yarta ah ee Gobolada dalka, waxaana Guddomiyaha Hornpeace For Demecracy Maxamud Maxamed C/laahi uu sheegay in ujeedada ay tartanada u fureen tahay in Abwaanada yaryari ay ka qaybqaataan wacyi gelinta Nabada, maadama bu yidhi ay lama huraan tahay Nabaddu lana dhiirigeliyo Abwaanada yaryar, waxaanu sheegay in tartanada noocani aanay istaagi doonin sannad walba soo noqon donaan.
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 8 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!