|
Boqorada Dalka Britian, Queen Elizabeth, Oo Dalalka Dunida Ugu Baaqday In La Iska Kaashado Ka Hortag |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Sunday, 11 July 2010 |
|
(WIJA) Boqorada dalka Britian, Queen Elizabeth, ayaa ku soo gabagabaysay safar ay ku maraysay waqooyiga Ameerika, waxaanay Boqoradu ay safar indho indhayn ah ku soo gaaf wareegtay dhismihii xarunta u ahaa ganacsiga dunida ee magaalada New York ee lagu burburiyay weeraradii mahadhada noqday ee lala beegsaday xaruntaa burburtay 11-kii bishii Spetember, sanadkii 2001-dii.
Boqoraddu waxay goobtaa kula kulantay kuna qaabishay qaar ka mid ah qaraabadii iyo eheladii dadkii ku naf waayay weerarkaa iyada oo kala hadashay dadkaa sida ay uga xuntahay khasaarihii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerarkaa culus.
Boqoradu waxa kale oo ay intii ay ku jirtay socdaalkeedaa ay khudbad ka jeedisay fadhiga guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, khudbadaas oo noqonaysa tii ugu horaysay ee ay ka jeediso muddo ka badan ilaa Konton.
Nuxurka khudbada ay Golahaa ka jeedisay waxa uu nuxurkeedu daaranaa arrimo ku saabsan argagaxisada, waxaanay ka codsatay wadamada beesha caalamka
in ay gacan saar iyo iskaashi xoog leh ay ka yeeshaan sidii looga hor tegi lahaa khatarta waxa ay ugu yeedhay argagaxisada caalamka iyo isbadlka cimilada dunida ee sii kululaanaysa.
Si kastaba ha ahaate dadka odorosa siyaasada dunida ayaa safarka Boqorada ku sheegay mid macne weyn samaynaya marka laga hadlayo qodobada ay ka dhawaajisay.
|