|
Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland Oo Guddidii Tallo Bixinta U Xilsaaray Inay Soo Dejiyaan Waxqab |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Sunday, 11 July 2010 |
|
Hargeysa (WIJA)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddidii uu u magacaabay ka soo talo bixinta qaab dhismeedka xukuumada cusub, mar kale u magacaabay inay ka soo tallo bixiyaan qaabka mudnaanta loo kala siinayo waxqabadka xukuumada ee Boqolka Maalmood iyo lixda bilood ee ugu horreeya.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu sidaasi ku sheegay Qoraal uu soo saaray Maanta waxaanu Guddidan uga mahad celiyay sidii ay uga soo dhalaaleen hawshii hore ee uu igmaday, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“Marka hore waxaan Mudaneyaal iyo Marwooyin si xushmad iyo qadarin leh idiinka mahad celinayaa sidaad uga soo dhalaasheen hawshii aan idiin xil saaray, sidaad la socotaan Mudaneyaal iyo Marwooyin xukuumada cusub waxa laga sugayaa waxqabad badan.
Sidaasi darteed, waxaan idiin xil saaray sida waxqabadka dawlada mudnaanta loo kala siinaayo Boqolka maalmood iyo Lixda bilood ee ugu horreeya haddii Alle yidhaahdo.”
Dhinaca kale, Guddidan waxay isla maantaba Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ka bilaabeen shirar ay ku gorfaynayaan masuuliyadan cusub ee uu Madaxweynaha cusubi u xil saaray. Iyagoo horena u soo bandhigay qaab dhismeedka Wasaaradaha iyo Haayadaha dawliga ah ee dalka ee xukuumada Siilaanyo ka koobnaan doonto.
|