|
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Xiligan Kala Guurka Ah Heshiis Cusub La Saxeexday Baanka Ad |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Tuesday, 20 July 2010 |
|
Hargeysa-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, oo xukuumadiisu xilka wareejinayso, ayaa xiligan kala guurka ah heshiis la saxeexday Baanka adduunka, kaasi oo ku saabsan dhismaha Kawaanka Hilibka xoolaha ah oo laga hirgelinayo dhawaan Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer.
Wasiirka oo ay weheliyeen Wasiirul dawlaha Wasaaradaasi Eng. Aadan Daahir Maxamed (Aadan Dheere), Agaasimaha guud ee xanaanada Xoolaha Dr. Maxamuud Cali Giire iyo Madaxda Haayada FOA oo la soo mariyo mashaariicda baanka adduunka ayaa xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha saaka shir albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay wefti ka socday baanka adduunka.
.ExternalClass .ecxhmmessage P {padding:0px;} .ExternalClass body.ecxhmmessage {font-size:10pt;font-family:Verdana;} Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, oo shirkaasi ka dib Saxaafada uga waramay waxyaabihii kulankaasi ku saabsanaa wuxuu yidhi "Qoladani waxay ahaayeen koox ka socotay baanka Adduunka oo mashaariic badan oo laga fuliyay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Maalgelisay,markii isbedelkan cusubi Somaliland ku yimid ayay u yimaadeen inaanu xogihii u dambeeyay kala qaadano waxa Weftigan Hoggaaminayay ninka haysta Mashaaraacda Baanka Adduunka.mashruuca kawaanka weyn ee Hilibka ee Magaalada Boorame ayaa ka mid ahaa mashaariicda ay maal geliyeen, waxa kale oo ku jiray mashaariic cawska xoolaha la xidhiidhay iyo biyo qabatino la sameeyay waxaana baraago laga sameeyay dalka ilaa labaataneeyo meelood arrimahaasi ayay daba socdaan imika."
Wasiirka Xanaanada Xooluhu wuxuu sheegay in Weftigan Baanka adduunka ay maanta la saxeexdeen heshiis la xidhiidha sidii ay Kawaanka hilibka ee Magaalada Burco u dhisi lahaayeen waxaanu yidhi "Waxay imika ogolaadeen inay dhisaan oo aanu kala saxeexanay dhismaha kawaanka hilibka ee Magaalada Burco inay ku sameeyaan ilaa Bisha September ee sanadkan.kawaankan Burco ee ay dhisayaan wuxuu la mid noqonayaa Ka Magaalada Boorame, waxaana aanu weydiisanay inay lixda gobol ee waaweynba ka dhisaan kawaano waaweyn. markaa kawaanka Burco waxa ku baxaysa in illaa laba Malyan oo Dollar."
"Waxa kale oo ay balan qaadeen inay sii wadaan biyo qabatinnada ay dalka ka samaynayaan, waxa kale oo ka mid ah mashaariicda ay Wasaarada la fulin doonaan iyagoo soo marinaya Haayada FAO tusaale ahaan shan reer oo meel degan ayaa Beer caws ah laga dhexaysiinayaa,"ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee xukuumada Rayaale ee xilka wareejinaysaa.
Dr. Idiris Ibraahim wuxuu ku dooday inaan weli Somaliland loo ogolaan mashaariicda waaweyn ee dhinaca Horumarinta waxaanu tilmaamay in mashaariicda ugu waaweyn ee baanka Adduunku bixiyo ay ka mid yihiin dhismaha Kawaanada Hilibka xoolaha.
"Kawaanka Hilibka ee Boorame wuxuu awood u leeyahay inuu dhoofiyo Hilibka haddii uu furmo madaarka Boorame, markaa Weftigan ujeedadiisu sidaasi ayay ahayd, waxa kale oo aanu ka sii wada hadalay qiimaynta mashaariicdii hore ee aanu wada qabanay Mashaariicda dambana waxaanu ku wareejin doonaa dawlada cusub. "ayuu yidhi Md. Idiris Ibraahim Cabdi.
Wasiirka oo la weydiiyay sida ay sharci u noqonayso heshiiskan cusub ee uu la galay Baanka adduunka xiligan kala guurka ah ee xukuumadiisiina xilka wareejinayso waxaanu ku jawaabay "Hweshiiskani mid weyn ma aha ee waa mashaariic horumarineed dawlada cusub ayaa la wareegi doona balse waanu u sii saxeexaynaa ilayn hawshii anagaa sii wadnee."
Wasiirka oo la weydiiyay inuu dalka Ingiriiska tagayo marka xukuumadiisu xilka wareejiso 27-ka bishan wuxuu sheegay inuu dalka joogayo oo uu ummadiisa wixii uu u qaban karo u qananayo.
|