|
Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Waramay Waxqabadkii Kalfadhigii 11-aad |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Monday, 26 July 2010 |
|
- Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta warbixin ku saabsan waxqabadkii Golaha ee kalfadhigii 11-aad ka dhagaystay iyagoo Goluhu hadda gudo galay kalfadhigii 12-aad.
Fadhigii maanta ee golaha oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md, C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa fadhigaasi laga akhriyay warbixin aad u dheer oo lix bog ka koobnayd oo tafaasiil lagaga bixiyay Xeerarkii Goluhu ansixiyay, kuwa gacanta lagu hayo.
Warbixintaasi waxa lagaga waramay natiijadii socdaalo dibadeed oo ay shirgudoonka iyo Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Wakiiladu ku tageen dalalka Yurub, Maraykanka iyo Afrika.
Waxa kale oo warbixinta Golaha Wakiilada lagu sheegay in mahadhooyinkii iyo arrimihii xiisaha lahaa ee golaha soo maray ay ka mid tahay Mudaneyaashii xisbiga UDUb ee tallada hayay oo isu bedelay mucaarid ka dib markii lagaga adkaaday Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii Bishii June ee la soo dhaafay, halka Mudaneyaashii mucaaridka ahaa ee xisbiga KULMIYE-na ay noqdeen muxaafid markii xisbigoodii ku guulaystay doorashadii madaxtinimada.
Warbixintaasi waxa lagu xusay in Goluhu ansixiyay kalfadhigii 11-aad Xeerkii Miisaaniyada Qaranka, Xeerkii ururada aan dawliga ahayn iyo ansixinta Miisaniyad sanadeedkii qaranka ee 2010-ka.
|