WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
Madaxweyneyaasha Xilka La Kala Wareegaya ee Somaliland Oo Ka Hadlay Kulamo Gooni Gooni ah Oo Ay La Y PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Monday, 26 July 2010
Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha xilka ka sii degaya Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa kulamo gooni gooni ah maanta la yeeshay Weftigii ka socday Jamhuuriyada Jabuuti ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Dhaqanka, Md. Cali Cabdi Faarax, ee u yimid Somaliland ka qeyb galka xafladda xil wareejinta iyo dhaarinta Madaxweynaha cusub oo maalinta barri ka dhacaysa xarunta madaxtooyada Somaliland. Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo weftigan balaadhan ku qaabilay maanta gurigiisa Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay socdaalka Weftigan waxaanu yidhi “Weftigan miisaanka leh ee ka socda dalka Jabuuti ee nagala soo qeyb galay xafladan dhaarinta, markii u horraysay ma aha Jabuuti iyo Somaliland taariikho aad u waaweyn ayaa ka dhaxeeya waa dad iyo dal walaalo ah oo jaar ah oo ay ka dhaxeeyaan dano iyo masaalix faro badan, oo baayacmushtari leh, saaxiibtinimo leh, wada shaqayn xaga Nabadgelyada ah leh.” Madaxweynaha cusubi wuxuu balan qaaday inuu sii xoojin doono xidhiidhkii iyo cilaaqaadkii ka dhaxeeyay Somaliland iyo Jabuuti waxaanu yidhi “Aad baanu anaguna Anigoo ku hadlaya Magacii madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka la doortay iyo shacbi weynaha Somaliland Anagoo ku faraxsan imaatinkiina waxaanu leenahay salaan aad u faro badan naga gaadhsiiya Madaxweynaha Jabuuti, Xaaskiisa iyo dadweynaha Jabuuti intaba. Mahad naq balaadhan ayaan idiin jeedinayaa farxada aad nagala soo qeyb gasheena waanu ku faraxsan nahay. Waxaanan idiin sheegaynaa in maanta siyaasadayadu tahay sidii awalba ay ahayd inaanu sii xoojino mooyaane’e. xidhiidhkii iyo walaaltinimadii ka dhaxeeyay labadeena dawladood iyo labadeena dalba waanu sii xoojinaynaa.” Madaxweynaha la doortay waxa uu kulankaasi ka dib sheegay inuu marti qaad rasmi ah ka helay dawlada Jabuuti waxaanu xusay inuu ka ajiibay marti-qaadkaasi. Dhinaca kale, Madaxweynaha xafiiska ka sii dagaya ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo lagaga adkaaday doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishii June ee la soo dhaafay, ayaa isla maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay Weftiga ka socday dalka Jabuuti waxaanu yidhi “Madaxweynaha Jabuuti iyo dawlada dalkaasi ee qaadatay go’aankan ay Weftigan ugu soo direen Somaliland waan uga mahad celinayaa amaan baanan u jeedinayaa.” Md. Daahir Rayaale, wuxuu ku dooday in wixii waajibkiisa ah uu dalkiisa Somaliland u qabtay waxaanu yidhi “Waxaan dalkayga u qabtay waxaan aaminsan nahay inuu yahay waajibkaygii wax ka badan ma aan qaban, waajib ayay ahayd inaan marxaladan soo marno, waxa mahad leh ilaaha na garan siiyay in sidan arrimahayagu ku dhamaadaan. Dalka Jabuuti socodkiinu naguma uu badnayn laakiin qolyaha gaalada ah ayaa nagu badnayd oo maalmo aanu murmi jirnay xisbiyaddu oo sanadkii 2008-dii illaa 2009-kii qori jiray in Somaliland lagu kala tagaayo, oo Anigana I weydiin jiray markaan jabuuti idiinku imaado ee aan sii dhaafayo dalalka kalena. Waxay I weydiin jireen wax baa meesha ka dhacaayee ka warama. Waxaan u sheegi jiray waxba kama dhacayaan waxay arrintu ku dhammaan doontaa nabad.” Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo dhaqanka Jabuuti oo hoggaaminayay weftigan Md. Cali Cabdi Faarax, ayaa labada madaxweyne ee xilka la kala wareegaya uga mahad celiyay sida ay ugu soo dhaweeyeen Somaliland waxaanu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay in dalkiisu ka mid noqdo dalalka goob jooga ka noqoya xagflada dhaarinta iyo xil wareejinta madaxweynaha cusub. Sidoo kale, waxa la sheegay in Weftigan ay isla maanta magaalada Hargeysa kulamo gooni gooni ah la yeesheen Shirgudoonka Golaha Wakiilada iyo Komishanka doorashooyinka Somaliland.
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 3 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!