WELL COME TO SOMALILAND WOMEN IN JOUNALISM ASSOCIATION (WIJA)

Home
Sunday, 05 September 2010
 
 
LABADA WAALID KEEBAA LEH MASUULIYADA BARBAARINTA UBADKA. PDF Print E-mail
Written by WIJA TEAM   
Monday, 26 July 2010
Is khilaafka lamaanaha qoyska ayaa inta badan waxaa keena is faham la’aan dhinaca masuuliyadaha ah, taasi oo sababta in caruurtu ku waayaan daryeel ay u baahnaayeen. Hadaba waxaa is waydiintu tahay yaa leh masuuliyada in la koriyo oo la barbaariyo. Uma baahna in wakhti badan lagu lumiyo iswaydiintaasi, waayo waa aynu wada fahamsan nahay in barbaarinta caruurtu ay dusha ka wada saran tahay labada waalid ee ay jidhkooda ka soo go’een.hase yeeshee waxa jira Aabooyin badan oo masuliyadi reerkisa dayacay oo ku odhanaya hoyada aya masul ka ah caruurta,balse taasi waxa macneeyaa in ay tahay ku xumayn uu aabuhu ama ninku ku xumaynayo gabadha. Culimada ku xeel dheer ama faraha ku haya arimaha carruurta ayaa waxa ay ku tiraabeen in ilmaha maskaxdiisu ay ku barbaarto hadba sida uu yahay dhaqanka qoyskoodu waa Aabbaha iyo hooyada eh. Inkasta oo ay jiraan dayacaad ku timaada wakhti aanay isku mawqif ka taagnayn hooyada iyo aabbaha.hadana waxa toosinta iyo tarbiyada suuban ee carruuta dusha loo saaray Aabbaha,waxa laga raba inu ubadkisa ka war qabo wa inu xidhiid la yeesha iskoolkisa macalimintisa waxbarashadiisa, si uu u ogaado waxu barta,inuu saxiibo xun hada ku xidhan yahay, hadiiba uu dhinaca waxbarashada ku liito oo aanu dedaalin, waxa ilmaha ka luma kalsoonida waxuu ka fogaada dhaqankisa iyo diintisa. Dhinaca kale waxaa masuuliyad la miisaan ah tan aabaha iyadana lafteedu saran tahay hooyada oo aan ognahay in uga wakhti badan tahay inta uu la joogo ama arkayo aabuhu,hooyadu waa macalinka guriga, toosiyaha iyo barbaariyaha guriga, waana daryeelaha ugu qaalisan ee dhinaca carruurta , lamina soo koobi karo kaalinta ay hooyadu ka qaadato arintaasi markaa labada waalid waxaa lagu dardaarayaa Markaa intuu ilmahagu jidka xun mari laha ka gaadh ,caruurtadu meesha ay maraan idinkaa malinta qiyamaha la idin waydinaya hadad ku barbariso sida ugu wanagsan oo Alle(swt) ka rali yahay aduun iyo akhiro wad libanaysa, ogow waalidku marka ay dhintaan waxa la waydiiyaa 2 su'aalood oo kala ah 1 caruurtada 2 camal kaga... waxaa kale oo muhiim ah inaad ogaato in awlaadaadu hadba sidaad u barbarisay ay noqdaan.. Hadaba bal aan soo qaadano qodobka ugu Muhiimsan, marka laga hadlayo barbaarinta Suuban ee carruurta. KOBCINTA MASKAXDA Barbaarinta Maskaxda waxa loola jeedaa in dhallaanka wax kasta oo faa'iida leh maskaxda loogu dhiso sida; barista shareecada Islaamka, barista cilmiga laammihiisa kala duwan ee casrigan uu u baahan yahay iyo ku dhisidda maskaxdiisa aqoon iyo waaya-aragnimo intaba, si uu xagga maskaxda uga bislaado, xagga aqoonta iyo cilmigana uga dhismo. Mas'uuliyadda caynkaas ahi kama ahmiyad yara mas'uuliydihii diinta, akhlaaqda iyo jirka. Barbaarinta diintu waa aasaas, barbaarinta akhlaaqdu waa abuuris iyo qabadsiin, barbaarinta jirku waa samayn iyo diyaarin, halka barbaarinta maskaxdu ay ka tahay wacyi-eglin iyo baris. Kol hadday lama huraan tahay in la caddeeyo marxaladaha loo baahan yahay inuu barbaariyuhu u maro nooc kasta oo barbaarin ah iyo mas'uuliyad kastoo kaga aaddan ubadka, waxaa mas'uuliyadda barbaarinta maskaxda inay labadaan qodob udub dhexaad u yihiin; 1- Aqoonta. 2- Wacyigelinta. 1- Barida AQOONTA Islaamku ahmiyad weyn buu siiyay waxbarashada, mas'uuliyad xoog leh buuna waalidka iyo intii ubad barbaarisa ka saaray ubadkooda inay u jeediyaan xagga cilmiga iyo aqoonta, dhugtoodana u duwaan xagga fahmada iyo qaybka, say ugu barbaaraan maskax cilmi ka buuxo, caqli fahmadi ka buuxdo, garasho iyo dareen bisil. adiga iyo ilmahagu xidhiid fican wa inu idin dhex yala kala hadal ilmahaga wax barashadisa haday liidato wax barashadisa ha canaanan ee u deeji kuna boori inu dadalo, una balan qaad in abala mariin sineyso hadi uu wanagsanado wax barashadiisa oo u ku baaso intaxamka ka ilaali ilmahaga niyaad jaab iyo canaan.. Taariikh ahaan waxa la ogsoon yahay in Aayadihii ugu horreeyay ee Suubbanuheenna Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) lagu soo dejiyay ay ahaayeen: (Akhri "Qur’aanka" adigoo ku billaabaya magaca Rabbigaaga "wax kasta" abuuray. Dadka wuxu ka abuuray xinjir. Akhri, Rabbigaana waa "Alle" deeq badane. Allihii "dadka qoraalka" ku baray qalinka. Dadkana baray wax aanay aqoon "markay caloosha hooyooyinkood kasoo bexeen") (Al-Calaq: 1-5). Arrintaas sababteedu waxa weeye bay culimada Islaamku yidhaahdeen qaddarin aqriska iyo cilmiga la qaddarinayo iyo ku dhawaaqid sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo maskaxda iyo sidii irridaha loogu furi lahaa horumar iyo xadaarad bulsho. Mar kale Abuu-Hurayra (RC) waxaa laga weriyay: Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inuu yiri: (Hadduu aadanuhu dhinto camalkiisu wuu go'aa saddex mooyee; sadaqo socota[6], cilmi laga faa'idaysto ama ubad suubban oo usoo duceeya)[7]. Aayadaha Qur'aanka ah iyo Axaadiithta Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ee dadku inay waxbartaan ku boorrinaya, qaddarka culamadana sare u qaadayaa way badan yihiin. Iyadoo haddaba talooyinkaas Qur'aanka iyo toosintaas Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) laga duulayo, ayay dadku casrigii ay diintu degeysay iyo casriyadii ka dambeeyay barashada culuumta kala duwan ku daateen, waxayna aamineen in barashada cilmi kasta oo dadka anfacayaa ay waajib tahay. Waxay ka faa'iideysteen ilbaxnimooyinkii ummadihii kale ee dunida ku dhaqnaa, way ku dadaaleen, wayna ka yool gaareen, waxayna ku xardheen naqshaddii Islaamka, adduunyaduna qarniyaal badan bay aqoontoodii ka qaadanaysay, ilbaxnimadoodiina ka faa'iideysanaysay. Ilbaxnimooyinka iminka dunida ka jira mid reer galbeed iyo mid reer bariba heerka ay maanta joogaan waxay ku gaareen culuuntii ay ka qaateen ilbaxnimadii Islaamka ee uga timid; Siishalis, Andalus iyo dagaalladii Saliibiyiinta. Sidaas bay dawladdii Islaamku u ahayd macallinkii waxbaray caalamkii lunsanaa iyo dadnimadii wareersanayd. Bal markana aan jaleecno 2- WACYI GELInta UBADKA oo fure u ah dhisida maskaxda caruurta iyo in laga buuxiyo talooyin ku wajahan barbaaraan Suuban. Iyo in carruurta lagu xiro Islaamka diin iyo dawlad ahaan, Qur'aanka nidaam iyo sharci ahaan, taariikhda Islaamka sharaf iyo ciso ahaan, aqoonta guud ee ku saabsan Islaamka fikrad iyo ruux ahaan iyo in dhaqdhaqaaqa dacwada[12] Islaamka si xiise iyo xamaasadi ay ku dheehan yihiin loogu xiro. Barbaariyuhu waa inuu ubadku intay yaryihiin baro xaqiiqada ah in Islaamku waarayo, uu shaqaynayo saman kasta, kana shaqaynayo meel kasta, maxaa yeelay wuxu leeyahay tilmaamaha; guud ahaaneed, waarineed, labakaclayn iyo hakad la'aaneed. Waxaynu ula jeednaa; Guud ahaan dadka meel kastuu joogaba wuu u cuntamaa, mana aha mid dabar go'aysoo waqti ku xiran, balse waxa weeye diin waaraysa intay dunidu jirto. Waa diin ilbaxnimo kasta la saan-qaadi karta aqoon kasta oo soo korortana la labakaclaynaysa. Waa diin horumar kasta iyo isbeddel kasta oo aqooneed ama ilbaxnimo kasta oo soo korordhaa aanay hakad gelinayn ee joogto ah, soconaysana inta Alle dunida iyo waxa dulsaaran uu ka duubayo.waxaanad dareensanaataa waalidaw in carruurtaadu hadii ay waxbartaan ay noqonaayaan kuwo ka qayb qaata dhamaanba geedisocodka nolosha ee bulshada dhexdeeda, waxaana lagama maar maan ah in aynu ka dhisno dhinaca Tarbiyada iyo Akhlaaqda.kuwaas oo saldhig iyo Aasaas u ah Barbaarinta Suuban ee lagu liibaanayo qof,qoys iyo qaranba. Qalinkii, Safiya Cali yuusuf
Last Updated ( Monday, 26 July 2010 )
 
< Prev   Next >

Who's Online
We have 15 guests online
Polls
 
Design by Somaliland Software!