|
Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay In Dayn Faro Badan Oo Lagu Lahaa Xukuumadii Rayaale Ay Dabri Karto G |
|
|
|
|
Written by WIJA TEAM
|
|
Wednesday, 28 July 2010 |
|
Hargeysa (WIJA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka dib markii uu maalintii shalay xafiiska madaxweynemada si rasmi ah ula wareegay ku dhawaaqay golihiisa wasiirada, waxaanu shacabka kula dardaarmay in ay dhinacooda meel uga soo wada jeedsadaan sidii ay taageeri lahaayeen xukuumada cusub.
Madaxweyne siilaanyo ayaa dhamaanba bulshada reer somalilnad, ciidamada qaranka, komishanka doorashooyinka iyo waliba masuuliyiinta xisbiyadii kula tartamayay doorashadii madaxtooyada ku hambalyeeyay sidii fiicnayd ee ay uga qayb galeen doorashadii.
Waxa kale oo uu madaxweynuhu tilmaamay in aanay jirin hanti buuran oo uu xilligan xilkeedii la wareegay, taas bedelkeediina buu yidhi dawlada lagu leeyahay dayn faro badan.
Mr. Siilaanyo waxa uu ka markhaati kacay in ay shaqaale waynaha reer Somaliland ay leeyihiin mushahaarooyin faro badan, kuwaas oo aanay xukuumadii hore siinin wixii ay xaqa u lahaayeen.
Daynta iyo hantida lagu leeyahay dawlada ayuu madaxweyne siilaanyo xusay in ay dabri karto geedi socodka maamulkiisa iyo meel marka balanqaadyadii uu hore ula galay shacabkii isaga soo doortay.
“Waxa aan marka hore hamblayo u dirayaan masuuliyiinta xisbiyada, komishanka doorashooyinka, ciidamada iyo shacbi waynaha reer Somaliland oo la’aantood aynaan gaadhneen halka aynu maanta taaganahay, waxa aan walaalayaal idinka codsanayaa in ay meel iska dhigno xurgufihii siyaasadeed ee wakhtigii lagu jiiray olalaha, waxaanan balan qaadayaa in aan fuliyo oo aan ka dhabeeyo balan qaadyadii aan hore u galay” sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud.
Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay duruufaha ku xeeran maamulkiisa waxa uu yidhi “Walaalayaal meel xun ma joogno, waxa aynu nahay qaran madax banaan oo nabdoon isla markaana leh maamul iyo kala danbayn, xukuumadan aan gadh wadeenka ka ahayn waxa ay gudban oo horyaala dhibaatooyin aad u faro badan, maanta haba yaraatee ma jiro wax aduun ah oo aanu khasnadii dawlada ugu nimid, waxa taas ka sii daran waxa lagu leeyahay dayn faro badan iyada oo aan muddona la bixin gunooyinkiii iyo mushahaarooyinkii shaqaalaha culaysyadaa dhaqaale waa kuwo dabri kara ama laba diblayn kara in dhakhso loo bilaabo meel marinta balanqaadyadii barnaamijsiyaasadeedkayaga ku xusnaa”
Waxa kale oo uu sheegay in ay dhinaca gobolada bariga ay dalka kaga furan yihiin colaado, kuwaas oo uu tilmaamay in ay yihiin xaalado iyaguna caqabad ku noqon kara geedi socodka maamulka xukuumadiisa, waxaanay ilaahay uga baryay dhamaanba shacbi waynaha reer Somaliland in ay ku noolaadaan badhaadhe iyo guul.
Si kastaba ha ahaatee shacabi weynaha reer Somaliland oo ay intii muddo ahayd u dheg taagayay xukuumada cusub ayaa durba bogaadiyay waxaanay isku raaceen in ay tahay tii ugu qaab dhismeedka wanaagsanayd.
|
|
Last Updated ( Wednesday, 28 July 2010 )
|